Arturo Vidal Iyo Angel Di Maria ayaa kusii jeedaan kooxda Man United madaama labadan xidig mustaqbalkooda uusan fadhinin sidoo kalena Sameil Eto’o isagana si lama filaan ah ayuu kooxda Liverpool ugu biiri rabaa dhanka kale kooxaha ugu caansan qaarada Yurub waxay wadaan dadaalo badan oo ay xidigo kula soo saxiixanayan halka qaar kalena ay laacibiintooda iska iibin rabaan, hadaba hoos kaga bogo dhaq dhaqaaqa suuqa Yurub iyo wixii kusoo kordhay:
Di Maria ayaa kusii siqaayo ku biiritaanka kooxda Man United waxayna xidigan ku iibsan rabtaa 60-milyan oo euro ah.
Javi Garcia ayaa isaga tagi rabo kooxda Man City waxaana xidigan £13m ku qaadan doonto maal maha nagu soo fool leh kooxda Zenit.
Arsenal ayaa iyadana dhankeeda dalab £8m u gudbisay naadiga New Castle waxayna ka dooneysaa Cheick Tiote.
Kooxda Tottenham aya €12 million ku qaadan rabto F. Guarin oo khadka dhexe kooxda Inter Milan kaga cayaaro.
Man United ayaa sare u qaaday lacagaha ay Vidal ku dooneyso waxayna haatan u gudbisay kooxda Juventus €60m waana lacagtii ugu sareesay ee Man United u gaarto xidigan!
Arsenal ayaa sheegtay in 48-saac ee nagu soo fool leh inay £27m ku qaadan doonto Morgan Schneiderlin oo khadka dhexe ooga cayaaro Southampton.
Jose Mourinho oo meesha ka saaray inay kooxdiisa lasoo saxiixan rabto Benatia oo daafaca Roma kaga cayaaro.
Naadiga Everton ayaa iyadana diyaar u ah inay Samuel Eto’o ka afduubato kooxda Liverpool oo dadaal ugu jirto saxiixa ruug cadaagan.
Man United oo shaaca ka qaaday in xidigaha kala ah Daley Blind ama Marcos Rojo midkood uu sabtiga kursiga keydka soo fariisan doono kulanka ay Swansea City la cayaari doonto.