Pages

Sunday, August 3, 2014

Wiilkii uu dhalay Imaamka Masjika Villa Somalia oo Fagaare lagu toogtay


Saddex ka mid ah Dagaalyahanada Ururka Alshabaab oo Fagaare lagu toogtay
[caption id="attachment_92266" align="alignleft" width="400"]Saddex ka mid ah Dagaalyahanada Alshabaab oo la toogtay Saddex ka mid ah Dagaalyahanada Alshabaab oo la toogtay[/caption]Muqdisho(GNA)-Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya ayaa Maanta xukunka Dil ah ku fulisay saddex Nin oo lagu helay inay ka tirsanaayeen Ururka Alshabaab, kana qayb qaateen weerarkii madaxtooyada lagu qaaday bishii la soo dhaafay.
Ragga Dilka lagu fuliyay oo lagu toogtay Fagaaraha Iskool Bolosiya, waxa ka mid ahaa Xasan Sheikh Muxiyadiin Xasan oo uu dhalay Iimaamka Masjika Madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo hore uga tirsanaa Shaqaalaha Xafiiska Shirkadda Isgaadhsiinta ee Hormuud ku leedahay Madaxtooyada.
Aadan Maxamed Xasan iyo Bashiir Xasan Maxamed oo iyaguna lagu eedeeyay in ay Dilal ka geesteen Magaalada Muqdisho, ayaa lala toogtay Xasan.
Fulinta Xukunnada ka dhanka ah dadka lagu helo inay Kooxaha Alshabaab ka tirsanyihiin ayaa la kordhiyay todobaadyadii ugu dambeeyay, kaddib markii amar lagu bixiyay in qofka lagu qabto Alshabaab ay Maxkamaddu ciidamadu xukun deg deg ah ku fuliso.
Xasan ayaa lagu qabtay dhaawac habeenkii weerarrku dhacay, waxaana waraysi uu bixiyay uu ku sheegay inuu muddo la shaqaynayay Ururka Alshabaab isagoo Madaxtooyada ka hawl-gala, isla markaana uu bixin jiray siro badan oo la xidhiidha dhaqdhaqaaqa Madaxda dawladda.
Aabaha Dhalay wiilkan ayaa ciidanka nabad-sugidu xabsiga u taxaabeen maalin kaddib markii wiilkiisu ka qayb qaatay weerarkii foosha xumaa ee lagu qaaday Madaxtooyada uu ka shaqeeyo.
waxa uu noqonayaa qofkii ugu horeeyay ee muctarif ah ee lagu helo falal argagixisanimo, isla markaana lagu fuliyo xukun toogasho ah.




Hoos ka Daawo Sawirro:DHAGAR2 DHAGAR3 DHAGARS
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com