Xirsi iyo xubno kale oo la filayo inay ku biiraan weftiga Cali Sandulle ee Laascaanood gaadhay
[caption id="attachment_93366" align="alignleft" width="300"]
Wasiirka nabadeynta Gobolada bari[/caption]Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa wefti ka kooban saddex Wasiirro iyo Masuuliyiin kale u dirtay Gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood.
Wefti uu hogaaminayo Wasiiru dawlaha Nabadaynta Goboladda Barri Cali Sandulle, xubnona ka yihiin wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe , wasiir ku-xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xarriir iyo xubno kale oo xilal ka haya dawladda, ayaa gaadhay Laascaanood goor dambe oo xalay ah.
Faahfaahin dheeraad ah lagama hayo ujeedka Safarkooda iyo nuxurka uu xambaarsanyahay, hase ahaatee waxa loo sibir saarayaa inuu ku lug leeyahay dejinta guux siyaasaddeed oo ka dhashay dhaqdhaqaaqyada Mucaaridka Khaatumo ka wadaan Gobolka Sool, taasoo saameyn ku yeelatay qaybo badan oo ka mida Bulshada.
Waxa lagu wadaa inay kulamo la yeeshaan qaybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka oo aan inta badan jaan-goyn siyaasaddeed lahayn, una faruur xidhan hogaan dhaqameedyada Gobolka oo badhkooda Khaatumo ku jiraan, badhna Garoowe ku suganyihiin.
Sida uu ku waramayo Wariyaha Gobanimonews ee Laascaanood, waxa la hadal hayaa inay weftigan ku soo biiri doonaan wefti kale oo uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, kana mid yihiin ku-xigeenka Warfaafinta iyo masuuliyiin kale.
Ilo-wareedyo kale ayaa xaqiijinaya in Wasiir Xirsi maalmaha soo socda u amba bixi doona Laascaanood, si uu uga qayb-qaato dejinta yoolka siyaasaddeed ee halkaa ka taagan.
Xirsi ayaa Bilihii la soo dhaafay isaga iyo wefti uu hogaaminayaa booqasho ku tageen deegaamada Gobolka Sool, ilaa degmada Taleex, halkaasoo ay mucaawimo gaadhsiiyeen.
Hase ahaatee booqashada wufuuddan ayaa ku soo aadaysa xilli uu Degmada Xudun ku suganyahay siyaasiga caanka ah ee Fu’aad aadan Cadde oo xurguf siyaasaddeed soo kala dhex gashay xukuumadda, isla markaana degmada Xudun Garaadkeedii dhawaan Garoowe ka degay, muddo ka dib markii ay soo kala maqnaayeen xirsi oo halkaasi kula kulmay.
Sidoo kale, booqashadani waxay ku soo aadaysaa todobaad kaddib markii deegaanka Xudun laga soo caydhsaday Shirkada Sahaminta Shidaalka ee DNO oo hawlo baadhis biyo ah halkaa ka waday.
Maamulka la baxay Khaatumo ayaa kulalaaya Gobolka Sool, isla markaana doonaya inay gacanta Somaliland ka faro maroojiyaan, inkasta oo ay ciidamo faro badan oo Milateri ahi Gobolka ku suganyihiin.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com