[caption id="attachment_91278" align="alignleft" width="300"]
Waran Cadde oo kenya u safaraya[/caption]Hargeysa(GNA)-wefti ka socda Somaliland ayaa u ambobaxay dallka Kenya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde iyo Wasiirka Arrimaha dibada ayaa la sheegay inay weftigaasi oo socdaalkoodu kedis ahaa ku ka mid yihiin.
Xidhiidhka Kenya iyo Somaliland ayaa sanadkan soo wanaagsanaayay, waxaanay labada dhinac isdhaafsadeen xafiisyo ka shaqeeya danaha labada dawladdood, inkasta oo aanu wali xafiiska safaarada Kenya ee hargeysa si rasmiya u shaqo bilaabin.
“Kenya waa dal aanu doonayno inaanu iskaashi buuxa la yeelano”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo dhawaan qeexayay xidhiidhka ka dhexeeya dalkiisa iyo Kenya.
Faahfaahin dhab ah lagama hayo ujeeddada weftigani ku tegayo Nairobi, hase ahaatee ilo-wareedyo ku dhadhow xubnaha tegay ayaa Gobanimonews u sheegay inuu yahay socdaal kedis ah.
laakiinse wali ma kala cada inay dawladda dalkaas soo marti qaaday in kale, inkastoo wararka qaar la xidhiidhinayaan socdaalka weftigan mid uu Hay’addaha dawladda la shaqeeya ee fadhigoodu yahay Nairobi kulamo kula soo yeelanayan.
Maaha markii ugu horaysay ee wefti heer wasiir ah oo somaliland ka socdaal safar ku tago dalkaasi bilihii ugu dambeeyay ee sanadkan, balse waxa wasiiro uu ka midyahay wasiirka Duulistu dhawaan ka soo laabteen socdaal ay wadahadalo kula soo yeesheen Nairobi Hay’addaha Qaramada midoobay oo ay kala soo hadleen muran ka taagan maamulka hawada.
Waxa suurto gal in booqashada weftigan daba socoto kii ay hore uga soo laabteen dalkaasi Maxamuud Xaashi iyo xubnihii la socday
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com