Wednesday, August 13, 2014

Wasiir Waran-cadde: Dalkeena nimcaa fadhida”Daawo


 


Daawo Wasiir Waran-cadde oo ka gubtay hadal haynta qabylaada, kaddib booqashadiisii kenya





[caption id="attachment_91278" align="alignleft" width="300"]Waran Cadde oo kenya u safaraya Waran Cadde oo kenya u safaraya[/caption]Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Sirdoonka Somaliland ayaa dalka ku soo laabtay kaddib markii ay soo dhamaysteen, socdaal ay ku tageen dalalka Kenya iyo Ethiopia oo saddex cisho qaatay.




Wasiir Waran-cadde ayaa Diyaarad khaasa looga soo diray Kenya, halkaasoo uu socdaal kedis ah ku ugu baxay Sabtidii, inkasta oo uu sii maray Itoobiya.




Isagoo warbaahinta kula hadlayay Madaarka markii uu soo laabtay, waxa uu tilmaamay inuu Itoobiya kula kulmay Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalkaas, oo ay ka wada hadleen arrimaha xuduudka xidhan oo uu rejo ka muujiyay in la furi doono.




Kenya ayuu sheegay inuu iyana u tegay arrimo ammaanka iyo Shaqada Wasaaraddiisa ku saabsan.




Halkan ka Daawo: