Monday, August 4, 2014

Wasaaradda Amniga oo Baadhisa Dil Askarta Madaxtooyadu geysatay


<img style="" title="" data-cke-saved-src="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Khaliif1-300x225.jpg" src="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Khaliif1-300x225.jpg" alt="Wasiirka Amniga oo sheegay &quot;Dilkaasi kama' ayuu ahaa" class="size-medium wp-image-92345 wp-caption alignleft" data-cke-caption=" id=&quot;attachment_92345&quot; align=&quot;alignleft&quot; width=&quot;300&quot;" data-cke-caption-text=" Wasiirka Amniga oo sheegay &amp;quot;Dilkaasi kama" ayuu="" ahaa'="" height="225" width="300">Muqdisho(GNA)-Askarta Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xalay toogtay Nin rayid ah oo sida la sheegay marayay agagaarka madaxtooyada, kaddib markii ay ka shakiyeen, sida ay xaqiijisay Wasaaradda amniga ee dawladda Soomaliya.




War ka soo baxay Xafiiska Wasiirka amniga Qaranka D.F ayaa lagu sheegay in dilkaasi u dhacay si kama ah ee aanu ahayn mid kas loo fuliyay.




Mustafe Xasan Caate oo kamid ahaa dadka Degen Xaafada Ex-Fiyooraha kana mid ahaa dadka sida weyn looga yaqaanay Xaafadaasi, ayaa ku baxay gacanta askarta madaxtooyadda.




Wasaaradda amniga ayaa tacsi u dirtay ehelada marxuumka dhintay iyo shacbiga soomaaliyeed. “Wasaarada Amnigu waxay aad uga xuntahay qaabka u dhacay dilkaas, oo runtii ahaa mid kama’ ah waxayna halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraysaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Mustaf Xasan Caato” ayuu sidaasi waxa  war qoraal ah oo soo gaarey xafiiska Warqabadka  ee Gobanimonews ee Muqdisho ku sheegay Wasiirka Amniga Qaranka  Khaliif Ereg.




Warkan oo uu saaray Afhayeenka Wasaaradaasi, ayaa  Sidoo kale in Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg uu caddeeyay in ay wadaan baaritaano ku aadan siduu u dhacay dilkaa muwaadinka Soomaaliyeed”.




Amniga agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa aad loo adkeeyay, tan iyo markii la wareeray badhtamihii bishii Jully goor habeen ah.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com