Tuesday, August 19, 2014

Waran-cadde oo Afmacaan kula shuraakoobaya Madaxdhaqameedka


waran




Hargeysa(GNA)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa maanta wareegto ka soo saaray Xushmaynta iyo qadarinta Madaxdhaqameedka Somaliland oo uu sheegay inay hawl culus u hayaan Somaliland.




Wasiirka ayaa wareegtada oo ka koobnayd afar qodob ku sheegay in Madaxdhaqameedka Dalka oo dhinaca amaanka hawl culus oo tabaruc ah ay ka hayaan islamarkaan wasaaradda Arimaha gudaha ka taageeraan hawlaha amaanka.




Qodobada ayaa u dhignaa sidan




1.      In la Dhawro Sharafta iyo Karaamada Madaxdhaqameedku leeyahay




2.      In loo fududeeyo Gacanna lagu siiyo Gudashada hawlaha ay umadda u hayaan ee nabad galyada iyo Xallinta khilaafaadka




3.      In Caaqilka Jabiya Qodobada Sharciga ah, xadhigiisa loo soo maro wasaaradda Arimaha gudaha, islamarkaana lala soo socodsiiyo Gudoomiyaha Gobolka ay Arintaasi khusayso




4.      Inaan la xayiri Karin Mushaharka Caaqilka ama Madaxdhaqameedka haddii aanay jirin sabab Kalifaysa.




Wasiir Warancadde waxa uu amray Badhasaabada iyo laamaha amaanka ee dalku inay meel mariyaan Wareegtadan.




Hadalkan ayaa ka soo soke maray mid uu hore ugu jeediyey hogaanka dhaqanka iyo qaybha bulshada oo uu kaga digayay isticmaalka Lahjada beelaha.




Wasaarada Arrimaha gudaha ayaa hore amar ugu bixisay in xasaanada dhaqanka lagala noqon doono madaxdhaqameedka isagoo af beeleed ku hadlaya warbaahinta soo fadhiista.




Si kastaba ha ahaatee  arrintan ayaa ah mid maslaxasho siyaasaddeed ku lamaantahay.