Pages

Tuesday, August 12, 2014

Urur siyaasaddeedkii Rays oo sheegay inuu bur-buray heshiiskii uu Xisbiga kulmiye la galay


Masuul sare oo Ururkaas ka tirsan ayaa Goleyaashii Ururka ugu baaqay Shir deg deg ah..




[caption id="attachment_92796" align="alignleft" width="300"]Xoghayihii maaliyada RAYS Xoghayihii maaliyada RAYS[/caption]Burco(GNA)-Xoghayihii Maaliyadda Ee Ururkii Rays  Ee ku Hadhay Dorashadii Golaha Degaanka Ee Dalka ka Qabsoontay Aadan Ciise Maxamed  ayaa Eedayn Kulul usoo Jeediyay Xisbiga Kulmiye Kuna Eedeyay in Aanu Haba-Yaratee Fulinin Heshiisyadii ay Wada Galeen Xisbiga Kulmiye iyo Ururkii Rays.




Xoghayihii Maaliyadda Oo Maanta Shir-Jaraid ku Qabtay  Magaaladda Burco ayaa Sidoo Kale Baaq u Diray Xubnihii Golaha Dhexe,Gudidii Fulinta iyo Waliba Guud ahaanba Tagerayasha Ururkii Rays inay isugu Yimadeen Muddo Toban Cisho Gudahood ah Shir-Wayne ay Kaga Tashanayaan Waxay ka Yelayaan Heshiiska Uu Buriyay Xisbiga Kulmiye.




Aaden Ciise Maxamed Xoghayihii Maaliyadda Ururkii Rays Oo Shirkaasi Jaraaid ka Hadlay ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay




Heshiiskii na dhex maray kulmiye oo ahaa shan qodob waxa ka fulay oo kaliya hal qodob oo ah in xaflad loo qabto ururka rays oo ku biiray xisbiga kulmiye,afartii qodob ee kale muu fulin xisbiga kulmiye, waxaanan marinay xeer ilaalinta,waxaany taasi cadaynaysaa inuu heshiiskaasi uu buriyay xisbiga kulmiye”ayuu yidhi.




Afhayeenka u hadlay RAYS waxa kale oo uu sheegay “waxaan halkan maanta baaq uga dirayaa guud ahaanba xubnaha golaha dhexe.golaha fulinta iyo waliba tagerasha rays inay isugu yimadaan shirwayne baladhan oo ay kaga tashanayaan heshiisyada uu xisbiga kulmiye diiday inuu fuliyo,waxaan leeyahay muddo toban cisho gudahood ah laysigu yimaado magaladda burco waxaanu shirkaasi ka furmi donaa hotel city plasa”.




Aadan ayaa kulmiye ku eeddeeyay “xisbiga kulmiye waxa uu caado u leeyahay in aanu fulinin balanqaadyadda uu bulshadda la galo.waxa taas cadayn u ah qobadii uu muuse biixi u saxeexay ururkii rays oo aan haba-yaratee laba fulinin,anagoo tixgalinaynaa warqadaas uu naxeexay xisbiga kulmiye oo aanu ka ansixinay xeer ilaalinta guud,aadan isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi'' waxaan marlabaad ku celinayaa in dhamaanba bahwaynta ururkii rays ay isugu yimadaan shirwayne baladhan,waxaan leeyahay oo aan ku celinayaa in aanay balantaasi fulin oo anaga wax eed ah aanay anaga naga haysanin hadii aanu ka baxno xisbiga kulmiye kana tashano aayahayaga mustaqbalka siyasadeed taasi oo noo furan markii haddii uu xisbigii kulmiye ka baxay heshiiskii " ayuu yidhi xoghayihii maaliyadda Ururki Rays Aden Ciise Maxamed




Xisbiga Kulmiye iyo Ururka Rays ayaa heshiis ku galay saami qaybsigan hoos ku qoran:




1: in Ururkii Rays 7 Xubnood Laga Siiyo Xisbiga Kulmiye




2: in Ururkii Rays 30 Xubnood Laga Siiyo Xisbiga Kulmiye




3: in Ururkii Rays la Shaqalaysiiyo 40 Qof




4: in Ururkii Rays la Siiyo Hal Gudomiye Gobal Oo Xisbiga Kulmiye ah,Laba Gudomiye ku Xigeen Gobal iyo Laba Xoghaye Gobal Oo Xisbiga Kulmiye ah.




5: in la Qabto Xaflad Lagu Muujinayo isku Biirista Ururkii Rays iyo Xisbiga Kulmiye.




 




Ugu Danbayntii Eedayntani Baladhan Ee Loo Jeediyay Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye ayaa ku Soo Beegmaysa Wakhti ay Mudooyinkii u Danbeyayba ay Saluug ka Muujinayeen Ururadii Hadhay Ee ku Biiray Xusbiga Kulmiye Taasi Oo ay Xisbiga Kulmiye ku Eedaynayeen in Aanu Haba-Yaratee Fulinin Wax Balanqaad ah isla markaana ay doorashadii Madaxtooyada ka hadhay wax ka yar sanad.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: axmedmm9@hotmail.com