Pages

Saturday, August 16, 2014

Todobada Sababood Ee Guurka Adkaysa:-

Walaw ay tahay Gashaanti Ilaahay Qurux iyo Hubqaad ku manaystay, hadana ma suurto gasho in loa guursado, sababtuna maaha gayaan la,aan iyo go,aan ay iyadu gaartay midna mana ogaan karto xataa haday istidhaahdo bal meeshan lagaa haysto hel si aad xal ugu heshid xaaladaada Mustaqbal,.
Hadaaba todobadan Sababood ee sababa in inantu ay noqoto mid loo hanwaynaan waayo ayay waaceen u noqotay. Waana kuwan hoos ku qoran:
1- BASARINIMO
Waxkastoo ay samayso hadana way ku fashilantaa dadaalkasta oo ay is tidhaahdo samee.
Waxa kaloo ay lumisay inay sidii la rabay u isticmaasho awoodaha dabeeciga ah ee ilaahay ku manaystay, taas oo ah soo jiidashada indhaaha raga waayo dumarku waxay awood u leeyahiin inay si fudud uga kaluumaysan karaan indhaha raga.
Waayo waxaa la ogaaday in ishu ay tahay Xubinta ugu xooga wayn ee aadamahu in uu maamulo ay adagtahay, sidoo kale hadday Baalinimadu gaadho heer ay inanta ragu xataa Salaanta kala baydhaan waxay caalamad u tahay in inantaasi ay gabi ahaanba ka baxday Saaxadii Haasawaha Dhalinyarada balse Calafka ALAA haya.

2- WAJI FURNAAN LA,AAN.

Inantu had iyo jeer mar kastoo ay dadka dhex joogto waa in ay lahaato waji fur furan oo soo jiidasho leh, waa in ay dhoola cadaysaa oo aaan agjoogeeda laga caajisin, nin kastoo mar la kulmana ay ku reebtaa raadayn Qalbigiisa.
Waa in ay isu miisaanadaan Muuqaalkeeda iyo Dhaqankedu, hadiyo jeerna Gashaantida timaamahan laga helaa waa mida kaliya ee ragu baadi doonan.
Hadiise aanad calaamadahan lahayn isku day inaad maantaba Bilawdo, waayo waa wax aad adigu isu yeeli kartid umana baahna dedaal ka badan go,aan.


3- NINKU HABOON
Hadiyo jeer hablaha qaarkood waxay baadi doonaan ama ay jecelyahiin inay Nolosha la wadaagaan Nin ka sareeya mustawaha nolosha amaba la mid meel la jooga, taladana ugumaba jirto bal haddii la waayo wiilkaas Bedelkiisu waxaa uu noqo doono, waana Shuruud iga markaas la quman ama la toosan, umana ahaato ilaa ay helaan sidaas ay jecelyahiin.
Runtiina maaha waxii ku hanan lahayeen soo afjarida Xulashadooda Mustaqbal, taas oo ah nin hagaagdsan oo ku haboon waa waxa kaliya ee ay ku qanacdo ee.
Haddaba oqow oo miyirka iyo maankaba ku hay in aanad helaan nin intan oo shardiba buuxiya, waana wax dabeeci ah ee maaha wax Bini,aadamku siduu doono usamaysan karo.

4- SHAQO XAD-DHAAFA (WORKAHOLIC)

Qodobkan afraad waxaa uu sheegayaa in hadii ay inantu shaqo badan hayso had iyo jeerna ku mashquulsan tahay oo aanay wakhtiba u helin, inay haasaawe ama wax kale oo nolosha Khuseeya qabato, waa sabab ka mid ah sababaha keena inaan inantu guurba hawaysan .
Waayo halkii sheekada, haasaawaha, iyo kala Xulashadaba waxa ay galisay Shaqadii Lagamana yaabo inay shaqadaas ka doorato guur ama Nin.

5- GUURKOO AANAY DANAYNBA.
Inantu hadaanay diyaarba u ahayn in nolosha cid la wadaagto ama la guursado, waxa faraha ka qaada waxyaabo fara badan lagama maarmaan u ah inanta gashaantida ah, sida isqurxinta iyo waxii la hal maala, taasoo haday iska dayso inantu aanay cidina xataa salaanta kula soo baydhaynin.. waana lagama maar maan isqurxinta, labiska fiican, iyo nadaafaduba, oo ay si fiican u laafyootaa. Haddi gashaantida intaas laga waayo ayaheedu waxa uu ku danbeeyaa guri jog ama Guun.

6- GARAWSHIIYO LA,AAN

Garawshiiyahu waa waxaa uu qofku naftiisa qiimeeyo had iyo jeerna runta ugu sheego Cindigiisa, haddaba inanta aan wali runta isu sheegin oo sahansan meeshii ay uga digo rogan lahayd noloshan kalida ah wax micno ah oo nin u samaynayaana aanu jirin haba yaraatee xataa mar qudha aan jeclaysan inay xaqqiqda isu sheegto oo ay runta wajahdo, oo dib u eegto bal waxaa uu kaga lumay wakhti badan oo dhaafay iyo sida ay wali wahel ugu baahan tahay, waxaa laga yaabi lahaa inay ka joogi lahayd sidan haday sidaas samayso,.

7- GO’AAN QAADASHO QALDAN

Ogow oo waxaa tahay Bini’aadam waxaa jira waxaad ku qaldan tahay iyo waxaad ku saxantahayba ee bal kawarqan haddi qof kastaaba kula qaldan yahay adna aad isla saxan tahay?, waa Xanuun nafsaani ah oo in daawo loo helaa ay adagtahay, ee haddii aad sifooyinka leedahay waa waxyaalaha keena guursi la,aanta markaa balka waran hadaad jeceshay inaad mar walba guulaysato oo aad isla quman tahay, qof kastoo ku agjoogaana kuula eekaado inuu qaldan yahay qof kalena kaaga hiilinaayo.
Ogow inaad qaadatay go’aankii qaldanaa iyo fikirkii Bilaa tanaasulaadka ahaa ee Bedel asmaahan Naftaadana ku qanci inay qaldanaan karto.







SHANTA ARIMOOD EE NINKA LOOGA BAAHANYAHAY.
Waxaa aynu ka wada dheregsanahay in ay adagtahay in la daraaseeyo arimaha ku saabsan Dumarka Xataa Saynisyahanada waa weyn ee ka faalooda arimahani way ka gaabsadaan oo wax sidaas u sii badan kama sheegaan, balse inagu waxa kaliya ee aynu ka sheegi karnaa waa waxyaabaha had iyo jeer ay dumarku raga usoo bandhigaan. Taas oo marka dhinaca kale laga eego noqonaysa shuruud Biyo kama dhibcaan ah ayna tahay in laga soo baxo.
Waao waxay bedelkeeda noqonaysa in aad Farxad, raynrayn iyo Nabad aad kuwada daaqdaan adiga iyo Ooridaadu, hadii taas lagaa helona waxaa kuu fududaanaysa inaad si hawl yar u kasbato Quluubta Xaaskaaga.
Bal haddaba samee qodobadan walaw aanay ahayn kuwii soo afjarayay, arimo fara badan hadanase waxay hordhac u yahiin abuuritaanka kalsoonida si aad ugu raali galiso arimahan:-

1- UNOQO DAACAD
Qodobkani waxaa u iswaydiinayaa bal maxay ragu noqon waayeen haweenkooda, hadii ay taas samyan lahaayeena waa xaqiiq inay ka badbaadi lahaayeen Carqalado fara badan oo xaaskooda kaga imanlahaa,.
Dumarku waxay sidoodaba raga daacada u ah waxaa kaliya ee ay xaasku jeceshahay waa inay kaa aragto, waa Daacadnimo hadaad dacaad noqotid way ku jeclaan, oo way ku ayidi in badan wayna ku xiisayn mar walba ee dacaadnimada ku dedaal.

2- SAAXIIB RUN AH
Saaxiibtinimadu waa isku foolbanaanaanta ilaa xad qoto dheer ee waa inaad xaaskaaga ka dhigaataa Saaxiibkaaga runta ah(really friend) waa inay kaa aragtaa inaytahay qofka qudha ee aad danaynaysid ee dunida korkeeda jooga.
Markaaba waxay kuu furaysaa albaab aanad awal hore uga baran oo soo dhawayneed, bal adba qiyaas qof aad saaxiibtinimadiisa aad ugu kalsoon tahay oo aan isagu kaba helin taada ?.
Waa arin adag ee same geesinimo aad ku muujiso, waxyaabaha dantiina Udub d hexaadka u ah, oo ah waddajir aad u qoto dheer.

3- NOQO MASRAXI (XAASKAAGA KA QOSLI)
Ogow dumarku waxay jecelyahiin ninka uga sheekeeya qisoojinka caashaqa iyo qosolka xambaarsan, waana inaad mar walba usoo bandhigtaa dhacdoooyin aad u macaan badan oo ayna ka xiiso jabin mar qudha.
Waa in aanad noqon qof Xidhxidhan oo bilaa raadayn ah, haddanay xaaskaagu aanay Masraxiyadaada usoo xiisoon oo aanad noqon qof ay maaweelladiisa usoo hilawdo ogow waxaad gabtay Hindisahii iyo Himiladii lagaaga fadhiyey ee.

4- NOQO AAMIN
Ma ogtahay in xaawalay oo dhami aaminsan tahay in inan rag meel uu joogaba yahay khiyaamoole, markaa waa inaad Xaaskaaga ka saartaa fikirkaas oo aad ku abuurtaa adeer salka ku haya is aaminaad jacayl rasmi ah.
Adoo mar walba dib u eegid ku samaynaaya waxyaabahi wanaagsanaa ee hore idiin soo dhex maray, iyo waliba inaad adigu raga kale wax kaga duwan tahay taas oo ah wada noolaanshiayaha aad isku kalida tahiin.

5- NOQO DHAGAYSTE FIICAN
Dumarka badankoodu waxaa ay jecelyahiin ninka marka ay sheekaynayaan si dhug leh u dhagaysta oo u dheg raariciya, marna inasagu u sheekeeya taas oo ay taas oo ay mamsuud ku noqonayso.
Haddi ay u aragto in aanad sheekadeeda ku qanacsayan iyana taada way nacaysaa.

FN: majiro wax ka wanaagsan Nolosha lanaha is jecel noloshana si dhab ah uwada qaata fadlan Akhri oo ku dhaqan.