Monday, August 11, 2014

Taliye ku-xigeenkii Sirdoonka Somaliland oo lagu xidhay Djibouti


Ma dhabaa in Cismaan Liimo u qolaanyahay Sarkaal u shaqaynayay Sirdoonka Djibouti oo Hargeysa ku xidhan?




djibo and somaliladDjibouti(GNA)-Taliye ku-xigeenkii Sirdoonka Somaliland ayaa lagu soo waramay in lagu xidhay Magaalada Jibouti ee caasimada Djibouti.




Dad kale oo rayid ah oo Somaliland u dhashay, ayaa bishii la soo dhaafay dawladda Djibouti loo gacan galiyay, kuwaasoo loo haysto tuhuno la xidhiidha qaraxii Magaalada Jibouti ka dhacay 24-kii Bishii May ee sanadkan.




Taliye Cismaan Liimo oo muddo afar maalmood ah hawlo shaqo u joogay ayaa sida la sheegay maanta ciidamada jibouti xidheen, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku sugan Magaalooyinka Jibouti iyo Hargeysa oo aannu xidhiidho kala duwan la samaynay.




Faahfaahin dhab ah lagama hayo sababta keentay xadhiga ay kula kacday dawlada Djibouti sarkaalkan, hase ahaatee il wareedyo taxadir badani ku jiro ayaa Gobanimonews u sheegay inuu ka dambeeyay khilaaf muddo labada dhinac u dhexeeyay oo ku saabsan xadhiga Nin ka mid ahaa Shaqaalaha Bangiga BCIMR  oo dalka jibouti laga leeyahay, kaasoo sirdoonka Somaliland xidheen, iyagoo ku eeddeynaya inuu hawlo basaasnimo ka wado dalka.




Wax tafaasiil ah oo dheeraad ah lagama hayo xadhiga Liimo, waxaase jira tibaaxo kale oo sheegay inuu sababta marka horeba uu dalkaasi u tegay ay ahayd arrimo baadhis ah oo ku saabsan dad ku kala xidh-xidhan labada dal oo tuhuno loo haysto, kana mid yahay ninka bankerka Djibouti ooh ore uga tirsanaan jiray ciidanka Jandaarmaariga Djibouti.




Ma jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Dawladda Somaliland iyo Maamulka Ismaaciil Cumar Geelle oo la xidhiidha arrintan, hase ahaatee dhacdadan ayaa ku soo aadaysa xilli ay wali taaganyihiin talaabooyin xad-gudubyo siyaasaddeed lagu tilmaamay oo ay dawladda Djibouti kula kacday Somaliland bilihii la soo dhaafay.




Xad-gudubyadaasi ayaa waxa ka mid ah la wareegista dad aan wax dambi ah ku gelin dalkeeda oo tuhuno loo haysto, faro gelin siyaasaddeed oo maxali ah iyo xidhista xadka ay wadaagaan labada dal oo aan wali si rasmiya loo furin.




Si kastaba ha ahaatee, Xidhiidho aanu isku daynay inaanu la yeelano Saraakiisha Safaarada Somaliland ee Jibouti, dadka arrimaha Somaliland u dhaqdhaqaaqa  iyo xataa laamaha ammaanka ee dalkaasi ayaanay noo suurto gelin, iyadoo dadka caadiga ahna aanay xoriyad u haysan bixinta xogaha xagga nabad-gelyada iyo siyaasadda khuseeya ee gudaha.




Waxaase jiray  tibaaxo goor sii horaysay soo baxayay oo sheegaya inuu dalka Djibouti u tegay si uu u soo cusboonaysiisto Baasaaboor uu leeyahay,xilli khilaaf adag uu labada dawladdood ku dhex maray xadhiga Ninka Hargeysa lagu xidhay.




Ninkan Hargeysa lagu xidhay ayaa la sheegay inuu  dalka Djibouti u gudbiyay warbixino Wasiiro xukuumadda Somaliland ka mid ah lagu sheegayo inay ka tirsanyihiin Alshabaab, taasoo xaasaasiyad badan abuurtay.




Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in Sarkaalkani u qoolanyahay Ninka Reer Djibouti ee Hargeysa lagu xidhay.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com