Monday, August 18, 2014

Somaliland: Xukuumadda iyo Xisbigeeda oo ka muquurtay Dood ku saabsan Doorashooyinka


[caption id="attachment_93261" align="alignleft" width="300"]xoghaya Qorsheynta xoghaya Qorsheynta [/caption]




Hargeysa(GNA)-Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ayaa xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee dalka ku eeddeeyay inay ka muquurteen dood ku saabsan caqabadaha hortaagan Doorashada.




Xubno sare sare oo ka tirsan labada xisbi Mucaarid ee Waddani iyo Ucid, ayaa Warbaahinta qaarkeed u sheegay inay aad uga xunyihiin sababta ay Shirkaasi uga soo qayb gali-waayeen xukuumadda iyo Xisbigeeda oo ahaa cida ka jawaabi lahayd aaraa’da Dooddaasi lagu soo bandhigay.




Xoghayaha Guddi hoosaadka Qorsheynta ee Xisbiga Waddani Cabdirashid Riyo-raac oo ka mid ahaa xubno ka socday asxaabta Mucaaridka ah, ayaa sheegay dooddaasi wax badan lagu faaqiday, laakiinse cidii ka jawaabi lahaydba ka maqnayd. "waxaan aad uga xunahay inay xukuumaddii dalkan ka talinaysay iyo xisbigeedii ka soo qayb geli waayeen dooddan oo lagaga hadlayay caqabadaha hortaagan doorashooyinka"ayuu yidhi.




Halkan ka Daawo: