Pages

Saturday, August 16, 2014

Somaliland: Maxkamadda Milateriga oo Dil ku xukuntay Askari naafo ah


hargeysaHargeysa(GNA)-Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Somaliland, ayaa maanta xukun dil ku ridday Dacar Cali Ibraahin, oo hore uga mid ahaa naafada ciidamada qaranka Somaliland.




Ninkan maanta dilka lagu xukumay, ayaa ku eedeysan inuu hore u dilay Wiil Dhalinyaro ah oo uu adeer u ahaa,sidaa waxa baahiyay warbaahinta Dhamays.com




Ninkan ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, sida lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qaranka ee Somaliland oo warbaahintu heshay.




 “Maxakamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxay soo saartay Xukun maanta oo ay Taariikhdu tahay August-16-2014, Waxayna ku xukuntay  Dil toogasho ah Racfaanle, Gacan ku dhiigle Dacar Cali Ibraahin oo ka tirsanaa Naafadda Ciidanka Qaranka Somaliland, kaasi oo dilay 18-kii Bishii 5-aad 2014(18-5-2014) Marxuum shicib ah Cabdirisaaq Maxamuud Axmed, ina Caasha Cali oo 25 jir ah, kaasi oo uu Adeer u ahaa”ayaa lagu yidhi Qaraarkan Maxkamadda.




Tafaasiil dheeraad ah lagama hayo dhegeysiga xukunka iyo go’aanka soo baxay toona.




Ninka la xukumay ayaa 18-kii bishii May oo ay dabaal-degyo xornimo ka socdeen dalka  toogasho ku dilay Wiil dhalinyaro ah, xaafadda Gol-jano ee Magaalada Hargeysa, sida waxa Gobanimonews u sheegay Mustafe Maxamed oo ay Marxuumka dhintay saaxiibo ahaayeen.




Dilka ayaa dhacay goor subaxnimo ah, waxaanu ahaa mid argagax leh oo la filaan ah.




“Ninka wiilka dilay wuxuu mar qabay Hooyada Marxuumka dhashay”ayuu yidhi mid ka mid ah dadka jaarka ay ahaayeen Cabdirisaaq oo Gobanimo la hadlay.




“Wuxuu marxuumku nin Alle ku xidhan oo dhalinyaranimadii ka koray”ayuu sii yidhi.




Xukunka ka sekow fulinta xukunkani waa arrin Hay’addaha Garsoorka iyo Madaxweynaha u taala, waxaase muhiim ah inaan xukunada dilka ah la fulin Somaliland sanadahan dambe.




“wasaaradda arrimaha guduhu waxay amraysaa in deg deg dil loogu fuliyo dadka gacan ku dhiigleyaasha ah ee Jeelasha ku jira”ayuu dhawaan qaarar ku sheegay Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo soo saaray xeer ammaanka ku saabsan.




Dad badan oo ay xukumeen Maxkamaddaha Rayidku oo dil sugeyaal ah ayaa ku jira xabsiyada dalka, waxaana ka mid ah shan qof oo isku qoys ah oo dhawaan Haweenay dil fool xun ugu geystay Xaafadda News Hargeysa ee Magaalada Hargeysa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com