Sunday, August 3, 2014

Somaliland: Madaxweynaha wax Su'aalo ah lama waydiin karo?Dhegeyso


Dhegeyso Siilaanyo oo mar kale ambiil looga qaaday Wariyeyaasha inay Su'aalo waydiiyaan!!




[caption id="attachment_92287" align="alignleft" width="400"]Dhuxul iyo Maxamuud Xaashi oo difaacaya Siilanyo Dhuxul iyo Maxamuud Xaashi oo difaacaya Siilanyo[/caption] Hargeysa(GNA)-inkasta oo Madaxweyne Siilaanyo Safar gaar ah oo aan wax siyaasad ah ku lug lahayn kaga soo laabtay dalka Ingiriiska Labaatan Maalmood oo uu ku maqnaa kaddib, hadana wariyeyaashu waxay u hamuum qabeen inay wax ka waydiiyaan arrimo fara badan oo la xidhiidha hogaamintiisa waddanka.
sababtoo ay tahay muddo afar sannadood ah oo uu dalka hogaaminayay, ayuu iska ilaalinayay inuu si furan saxaafadda u horyimaaado, waxna laga waydiiyo dhaliilaha xukuumaddiisa iyo tabashooyinka bulshada ee isa sii biirsanaya.
Maanta markii uu Madaarka ka soo degay ayaa waxa warbaahinta la hadlay Afhayeenkiisa gaarka ah oo uu Warfidiyeenada u sheegay inaan wax su'aal ah Madaxweynaha la waydiin karin, balse uu shacbiga salaan soo noqosho u gudbin doono, taasoo ahayd weedhii ka horaysay maqalka codka Madaxweynaha oo si diiran loo dhegaha loogu taagayay.
Dalabka ambiilka Su'aalaha looga qaaday Madaxweynaha warfidiyeenadii goobta joogay, ayaan ahayn wax ku cusub dhaqanka shaqaalaha qasriga madaxtooyada oo iyagu u muuqda kuwo gunno dheeraada lagu siiyo difaacista waydiimaha Warfidiyeenada ee Madaxweynaha dalka ugu sareeya.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah hogaamiye 75 Jir ah, waxa la soo dersaya marba marka ka dambeysa Kalsooni daro hogaamineed iyo go'aan gaadhis la'aan, waxaanay haatan xaaladiisu maraysaa in laga dhowro dhawaaqyada la xisaabtanka dadka u hadla bulshada ee warka doona iyo xataa Mucaaridka oo aanu isagu sanadihii ugu dambeeyay afkiisa iskaga difaacin ee ay wasiirradiisu u jawaabaan dadka siyaasaddiisa dhaliila.
Marka la bar-bar dhigo Madaxweyneyaashii ka horeeyay ee dalka soo maray, laba ka mid ah ayaa nasiib u helay inay la kulmaan Koboca Saxaafadda madaxbanaan oo aan inta badan u hamran jirin wax ka sheegista Dhaliilahooda iyo gol-daloolooyinka maamul ee indhaha bulshadu arkayso.
Alle ha naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa Madaxweynihii labaad ee Somaliland ayaa lagu tilmaamaa inuu ahaa hogaamiye ku dhiiranaa iska celinta Saxaafadda, isagoo inta badan wariyeyaasha markuu la hadlayo hadalo kulul iyo weedho cabsi geliya ku odhan jiray, isla markaana marka kasta oo saxaafaddu siyaasaddiisa dhaliisho si dhakhso ah uga fal celin jiray.
Labaddaa Madaxweyne marka ay shirar jaraa'id qabanayaan midkoodna laguma aqoon in loo dhexeeyo suxufiyiinta, iyadoo Masuuliyiintii xukuumaddahoodu aanay ku dhici jirin inay qalabka Warbaahinta inta ay ka soo dhex muuqdaan, ambiil uga qaadaan wariyeyaasha, taasoo waa dhaqan iyo masuuliyad ay ku kala duwanyihiin hab dhaqanka madaxweyne Siilaanyo iyo hogaamiyeyaashii ka horeeyay.
Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada oo xilal culus haya ayaa maanta markii uu Madaxweyne Siilaanyo soo degay, heegan ugu jiray inay warbaahinta iska hortaagaan in wax su'aal ah la waydiiyo, kuwaasoo si badheedh ah ugu holaday , isla markaana u fuliyay ficilkaasi. waxaana ka mid ahaa Wasiirradaas Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Cali Maxamed Waran-cadde oo bidar ku qabay inay wariyeyaasha afka qabtaan.
si kastaba ha ahaatee waxa lays waydiinayaa ficilka noocan ahi ma mid sumcadda Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa kor u qaadayaa mise waa mid wax u dhimaya.
"Nin Hulaab  xumi inuu wax qarsanayo ayaa  la moodaa"sidaasi waxa ka dhigan sawirka lagu tafsiirayo indho adkaanta Kooxaha  Madaxweyne Siilaanyo iskaga gudba inuu dadkiisa la hadlo.[caption id="attachment_92287" align="alignleft" width="400"]dhuxul Dhuxul iyo Maxamuud Xaashi oo difaacaya Siilanyo[/caption]
Halkan ka Dhegeyso. dhawaaqyadii dhiifta lahaa ee Dhuxul iyo hadalkii Madaxweynuhu jeediyay:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Codka-Madaxweyneaha-ee-Soo-laabashada-Dalka.mp3"][/audio]