Saturday, August 23, 2014

Somaliland ma sii joogi doontaa Gobolka Sool, N. kay kaddib?Warbixin+xog


Nickolas Kay oo si cad ugu bandhigay Madaxweyne Siilaanyo inuu ciidamada Qaranka ka soo saaro Sool iyo Siilaanyo oo ka dalbaday in la wada hadashiiyo Galaydh?Akhri xog




Dhaqdhaqaaqyo lagu Minjo xaabinayo Somaliland oo dibada ka bilaabmay iyo Waraysi HCTV la yeeshay Nickolas kay.Daawo




Nin sheegtay Wasiir Somaliland ah oo Aqoonsaday Khaatumo




[caption id="attachment_93394" align="alignleft" width="300"]Somaliland foreign Minister and un envoy at the press canference Somaliland foreign Minister and un envoy at the press canference[/caption]Hargeysa(GNA)-Nin sheegtay inuu Somaliland xil ka hayo ayaa xaflad kaga dhawaaqay inuu Maamulka la baxay Khaatumo u aqoonsaday dawlad jirta oo ka go’day Somaliland.




Xaflada oo ka dhacday dalka dibadiisa, ayaa Ninkani kaga dhawaaqay arrintaas, laakiinse Ninkaasi kama tirsan Masuuliyiinta Somaliland, sheegashada ka soo yeedhayna  waa arrin xaqiiqada uga fog, haddaanu xil Wasiirnimo oo qarsoon ka haynin Xukuumadda Siilaanyo.




Halkan ka Daawo Sheegashada:








Aqoonsi Somaliland ay siisay Khaatumo




Tani waa mid tafaasiil cad looga baahanyahay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ugu yaraan doonaysa inay wada hadal la furto Maamulka aan wali saldhigan ee uu hogaaminayo Cali Khaliif Galaydh oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.




Siilaanyo iyo Nickolas KayNicholas Kay




Kulan dhex maray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nickolas kay, ayaa si weyn loogaga wada hadlay arrimaha Maamulka la baxay Khaatumo.




Nickolas Kay ayaa la sheegay inuu si cad ugu bandhigay Masuuliyiinta Somaliland inay Ciidamaddooda kala soo baxaan Gobollada SSC ee ay Khaatumo sheegato, taasoo uu ku sababeeyay rabitaanka shacbiga deegaamadaas oo doonaya inay ka madaxbanaannaadaan.




Sida ay tibaaxayaan  xoggo wareedyo diblomaasiyaddeed iyo kuwo maxali ah oo ay Gobanimonews ka soo xigtay Masuuliyiin ka kala tirsan labada dhinac ee Somaliland iyo Khaatumo , waxa jira dalab ka yimi dhanka Somaliland oo ah in la wada hadalsiiyo Maamulka Cali Khaliif Galaydh.




Waa dhab, oo Somaliland maaha nidaam ay qaramada midoobay u aqoonsatahay qaran ka mid ah Dunida, hase ahaaatee waxa jira xaqiiqo lama dhaafaana oo ah rabitaanka Shacbiga Somaliland 85% (boqolkiiba shan iyo sideetan), kaasoo ah inay yihiin dal madaxbanaan.




Taasi waa tan uu aaminsanyahay qayb ka mid ah, Nickolas kay oo laba maalmood ka hor booqasho uu ku yimi Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, kaaso Waraysi lala yeeshay ku caddeeyay xaqiiqada jirta.




Daawo Waraysiga








Xog Qarsoon




Somaliland waxay Nickolas kay ka dalbatay in la wada hadashiiyo Galaydh, isla markaana isfaham dhex mara lagu yagleelo istijaah cusub oo ciidamada Qaranka lagaga soo qaado Gobolka Sool iyo deegaamada hoos yimaada, si ay Khaatumo ula wareegto.




Kay ayaa dhankiisa ku doodday inaanay Somaliland Shuruud wada hadal iyo gor-gortan kale toona ku xidhin, kala soo bixitaanka Ciidankeeda ee Gobollada Sool iyo Sanaag, taasoo sida muuqata wali ismari waa ka taaganyahay.




Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa dhabar jab ku ah haddii ay dhacdo, Qarannimada Somaliland. waxaanay si gaar ah ugu tahay niyad jab iyo xanuun badan Ciidamada Qaranka ee 7dii sanadood ee la soo dhaafay Laabta u dhigayay xabadda kaga soo dhacaysay Puntland iyo Maleeshiyaadka kale ee ay khaatumo ka mid tahay.




Dhacdooyin is xig-xiga




Magaalada Laascaanood waxay gacanta Somaliland ku soo gashay doonista Shacbiga ugu badan ee Gobolka  sanadkii 2007-dii, kaddib markii laga saaray ciidamadii ka amar qaadan jiray Maamulkii Cadde Muuse ee Puntland.




Dagaalkaas waxa horkacayay dhowr siyaasi oo ka soo jeeda Deegaanka oo ay ka mid yihiin Fu’aad Aadan Cadde, Axmed Cabdi Xaabsade iyo xubno kale.




Talada dalka waxa  gacanta ku hayay Madaxweynihii la bedelay ee Daahir Rayaale. waxaana noolaa hogaamiyihii Ruuxiga ahaa ee Puntland AHN Cabdilaahi Yuusuf Axmed,kaasoo si adag uga soo horjeestay wareegista Caasimada gobolka Sool ee Somaliland.




Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ahaa dadkii horseeday gacan ku dhigistaSool ee Somaliland, waxa uu mar kale ka soo muuqday Magaalada Garoowe, kaddib cadho uu kaga tegay Hargeysa.




Fu’aad Aadan Cadde oo ah Rug-cadaadi Siyaasaddeed Somaliland gudaheeda, waxa uu isna ismaan-dhaaf soo kala dhex galay Xukuumadda Siilaanyo kaddib, ku suganyahay Degmada XUDUN oo dhalasho ahaan uu ka soo jeedo, halkaasoo mar la soo wariyay inuu u soo dhaafi doono xagga Puntland.




Waxaanay, Labadan Siyaasi sanadihii u dambeeyay  la taliyeyaal ugu magacownaayeen Madaxweyne Siilaanyo oo ah hogaamiye ka la-taliyeyaal badan madaxdii horey dalka u soo maray.




Maqalka dhawaaqyada ka soo yeedhaya siyaasiyiinta reer Sool ee sida fiin firidhay uga yaacaya Somaliland, ayaa arrin ka miisaan culus, siday xukuumadda siilaanyo u sakhirayso. Laguna tilmaami  faash lagu jar-jarayo Midnimada dawladnimo ee waddankan 23 sanno ku soo gaadhay heer ay dunidu ku Ixtiraamto rabitaanka ka jira.




Waxaana muuqata in nidaamka uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo uu dunida u sawirrayo Somaliland oo u kala googoo’aysa Gobollo, deegaamo iyo maamulo ka farcamaya oo u janjeedha nidaamka Federaalka Soomaaliya.




Halka  dhinaca kale marka laga eego ay Xukuumaddu indhaha Bulshada dalka ku sugan tusayso inay dedaal ugu jirto sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd deegaamada ka maqan oo ay ka mid yahay Buuhoodle.




Buuhoodle ayaa ah deegaanka uu ka soo jeeddo wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglo-toosiye oo siduu qorshuhu lagu soo xero geliyay inuu Gobolka Cayn gacanta Somaliland soo geliyo, balse wali wax gacanta ugu jiraa aanay jirin.




Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@hotmail.com