“Caliyoow Maanta Beeshu Wax Qabad Iyo Nabadgelyo Ayey U Baahan Tahay Ee Qori Aad Gaadhi Ku Rakibto Uma Baahna Ee Beesha 1991-Kii Dib Hawgu Celinin“Siyaasi Cali Maxamuud (Cali Baashe)
Nairobi (GNA)15-8-2014- Cali Xaaji Maxamuud (Cali Baashe ) oo ka soo jeeda goboladda Bariga Somaliland,ayaa digniin u jeediyey Siyaasiga nabad diidka ah ee Khaatumo madaxweynaha u dooratay Cali Khaliif Galeydh u doorteen kaasi oo uu sheegay colaada uu deegaankaasi ka wada aheyn mid loo baahan yahay dadkuna yihiin reer Somaliland waxaana uu si gaar ah uga hadlay deegaanka Saaxdheer oo Cali Khaliif colaad sockeeyo ka waddo,
Cali Xaaji Maxamuud (Cali Baashe ) oo magaaladda Neyriopi ee dalka Kennya ku sugan,ayaa isaga oo Tv-ga qaranka ee Somaliland u waramaayey sheegay inay isku duubnida Somaliland tahay muqadas isla markaana loo baahan yahay dadweynaha goboladda barigu inay aaminaan oo bulshadda reer Somaliland inteeda kale wax la qabsadaan,waxana uu hoosta ka xariiqay in uu inay garawsadaan dadka ku dhaqan deegaanka goboladda bari oo Somaliland ay dadka intiisa kale la wax la leeyihiin.
Siyaasi Cali Xaaji Maxamuud (Cali Baashe ) oo ugu horeyn ka hadlaayey Siyaasiga dibad wareega ah ee Cali Khaliif oo haatan kooxda Khaatumo madaxweyne u dooratay waxa uu yidhi “Tuuladaas Saaxdheer run ahaantii hawl yar ayaa ka socota,laakiin Cali waxa aan odhan lahaa (Cali Khaliif) Caliyoow maanta Beeshu waxqabad ayey u baahneyd nabad ayey u baahneyd oo wax weyn oo ragii waa weyna ee adiga kula qeyr ahaa u qabteen ayaa lagaa sugaayey in aad u qabato,laakiin maanta qori qaad iyo qori gaadhi ku rakib iyo 1991-kii dib ugu celi Beesha waa nasiib daro,deegaankaasina waa deegaan Somaliland ah”
Cali Baashe oo bulshadda reer Saaxdheer si gaar ah u la hadlaayey waxa uu yidhi “Runtiina hadii aanay Somaliland maamulkeedu Laascaanood joogin tuuladda SAAXDHEER la ma joogeen sababtoo ah,Saaxdheer waxa lagu jooga ceelka Biyaha ah ee laga qoday oo Ceelka Biyaha ahna waxa laga qoday intii Maamulka Somaliland joogay Ceelkaasi Biyaha ah ayaana lagu fadhiya ,waxana loo baahan yahay in Isguul iyo Dhakhtar ayaa loo baahan yahay in laga dhiso oo waxa loo baahan yahay in horumar laga dhiso waxana loo baahan yahay in wiilashan aad maanta qoryaha u soo dhiibtay wax la baro taas ayaanu filaynay ee in maanta tolaayey la yidhaahdo fardaha ha l fuulo maanan filaynin waxana aanu leenahay ka waantow Caliyoow arintaa oo deegaankoow k waantoowa waxana ayanu wax ku noqon karna midnimadeena iyo inaga oo isku dhan”
Xaaji Maxamuud (Cali Baashe) oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Guud ahaan waxa aan odhanlahaa Somaliland meesha ay mareyso waad og tihiin wixii barigii hore la odhan jiray Somalia ee isku midka ahaa, intii aynu kala soo noqonay dawladnimadeena iyo wixii inaga dhexayn jiray meel fog ayeynu sii socona runtii waxana dhaliyey taasi shacabka iyo Siyaasiyiinta hogaaminaayey marka reer Somaliland-moow ha quusanina meel fiican ayey wax inoo marayaan cid inaga horeysaana ma jirto ee waana aynu guuleysanaynaa ishaalaahu tacaala”
Siyaasi Cali Xaaji Maxamuud (Cali Baashe ) waxa uu intaasi raaciyey “Deegaankeygu ha garawsadeen oo ha ogaadeen oo aniga maanta hay maqleen meeshaas aniga ayaa jooga aniga ayaa deegaan walba maray wax aan nabad iyo wanaag aheyn oo inoo banaani ma jirto wixii harumar ah ee la helaayana Somaliland nimo ayeynu ku helaynaa taasi waa wax la wada og yahay oo waa wax deegaanka ka dhab ah Calaamadda isku talaabta ah ee ina saaran aynu iska qaadno “
Wariye: Cabdiwali Cali Ismaaciil
Hargeysa Office /Somaliland