Pages

Wednesday, August 13, 2014

Siilaanyo oo Qaabiley Wasiir ka socda Denmark.Dhegeyso


[caption id="attachment_92909" align="alignleft" width="300"]Siilaanyo and minister denmark Siilaanyo and minister denmark[/caption]Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Maanta Wasiir Horumarinta iyo Ganacsiga  Dawladda Denmark iyo wefti uu hogaaminayo  oo booqasho hal maalin ah ku jooga dalka.




Wasiirka oo shalay dalka soo gaadhay ayaa waxa uu kulan albaabbadu u xidhnaayeen la yeeshay Madaxweynaha  iyo ku-xigeenkiisa oo ay weheliyaan xubno ka mid ah Golaha Wasiirradu.[caption id="attachment_92909" align="alignleft" width="300"]Somaliland F. Minister and Danish M Siilaanyo and minister denmark[/caption]




Kaddib markii kulankaasi dhamaaday waxa warfidiyeenada la hadlay oo faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii kulanka looga hadlay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Denmark.




Waxa ay labada dhinacba sheegeen inay isla soo qaadeen iskaashiga [caption id="attachment_92911" align="alignleft" width="300"]Press conference Press conference[/caption]labada dhinac ee xagga horumarka iyo dhaqaalaha.




“wuxuu soo maray suuqa, meesha hilibka lagu qalo iyo meelo kale oo badan, waxaanan ka wada hadalnay sidii ay dawladda Denmark u xoojin lahayd taageerada ay siiso Somaliland”ayuu yidhi biixi.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Kulanka-Wasiirka-Denmark-iyo-Madaxweynaha-JSL.mp3"][/audio]