Tuesday, August 12, 2014

Siilaanyo iyo Xasan Sheikh oo soo dhaweeyey guusha Madaxweynaha cusub ee Turkiga


Xidhiidhka Turkiga ee Gobolku wuxuu kayd ku yeeshay Laabta madaxweyneyaasha Somalia iyo Somaliland..




[caption id="attachment_92817" align="alignleft" width="275"]Siilaanyo iyo Erdagon Siilaanyo iyo Erdagon[/caption]Hargeysa (GNA)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa dhambaal hambalyo ah u diray Raysal wasaarihii hore ee Turkiga Md. Recep Tayyip Erdogan  oo shacbiga Turkigu doorashadii madaxtinimo ee dalkaas ka dhacday ugu doorteen Madaxweynaha cusub ee wadanka Turkiga.




Xusuusta Xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Turkiga ayaa ah mid qarniyo kaddib dadka reer Hargeysa u arkaan mid sii jiraysa, iyadoo 500 oo sanno ka hor raadadkii Turkigu ku lahaa Hargeysa ay wali sii jiraan. Siina noolyihiin.[caption id="attachment_92816" align="alignleft" width="300"]Siilanyo iyo Hasan sheikh oo xafiiskiisa boqday Siilanyo iyo Hasan sheikh oo xafiiskiisa boqday [/caption]




Tani waa mid ka mid ah sababaha Madaxweyne Siilaanyo ula soo degdegay bogaadinta xiligan.




“Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca goleyaasha qaranka iyo ka shacbiga Somaliland kalsoonidooda, waxaanu Mudane  Recep Tayyip Erdogan,   aan adiga iyo shacbiga aanu walaalaha nahay ee turkigaba waxaan kuugu hambalyaynayaa guushii  iyo natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtooyadda ee ka dhacday wadankaaga oo mar kale shacbiga Turkigu ay ku siiyeen kalsoonidooda oo ay kuu doorteen Madaxweynaha cusub ee dalkaasi. Arrintaasi oo  adigana Hoggaamiye ahaan kugu sii dhiirigelinaysa inaad halkaas ka sii wado horumarka  xooga leh  ee  aad dalkaaga  u horseeday.




Sidaas darteed, waxaan kuu rajaynayaa in ILAAHAY kuu fududeeyo masuuliyadda shacbigaagu ku saareen.”ayuu yidhi afhayeenka  Siilaanyo oo warbaahinta dawladda soo gaadhsiiyey dhambaalkaasi.




Waxaanu intaas ku daray “Qaranka iyo shacbiga Somaliland waxay ogsoon yihiin taageeradda iyo gacan qabashada aad noo fidisaan, taasi oo aan rajaynayo inay sii xoojin doonto xidhiidhka iyo wax wada qabsiga u dhaxeeya Somaliland iyo Turkiga. WA BILAAHI TAWFIIQ.”.




Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo Reysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa Hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Turkiga.




Waxa ay doorashadiisa ku tilmaameen mid Taariikhiya. Iyagoo guul iyo horumar wanaagsan u rajeeyay.




Recep Deyyib Erdagon ayaa afartii sanno ee ugu dambeeyay siyaasaddiisa Gobolka horumar weyn ka sameeyay, waxaannu marti geliyay dalkiisu dhowr kulan oo ay isku soo horfadhiisteen wada hadalo Somaliland iyo Soomaaliya.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com