Pages

Tuesday, August 19, 2014

Siilaanyo iyo Kay oo ka wada hadlay khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Khaatumo


[caption id="attachment_93382" align="alignleft" width="300"]Kay iyo Biixi Kay iyo Biixi[/caption]




Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed  Maxamed Maxamuud Siilanyo, ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Ergeyga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nickolas Kay.




Kay ayaa booqashadiisii labaad tan iyo markii xilka loo magacaabay ku yimi Somaliland, waxaana kulanka madaxweynuhu la qaatay ku wehelinayay Madaxweyne ku-xigeenka iyo xubno ka mida Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.




Ambasador Kay iyo Siilaanyo ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalk, gaar ahaan arrimaha nabad-gelyada, khilaafka u dhexeeya Puntland, Khaatumo iyo Somaliland, mashaariicda horumarineed ee ay qaramada midoobay ka wadaan Somaliland iyo arrimo kale.




Wasiirka Arrimaha arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Ambasador Nikolas Kay, ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha looga hadlay kulankan oo saacado badan qaatay, isla markaana warbaahintu dibada ka joogtay.




“waxaanu kala hadalnay wada hadaladii Turkiga ka socday, arrimaha nabad-gelyada, khaatumo oo aanu u aragno inay rabsho-wadeyaal yihiin, waxaan ka hadalnay Puntland, waxaan ka hadalnay in Somaliland tahay dal doonaya inay nabad kula noolaadaan cid walba”ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.




“Waxaanu u sharaxanay inaanu nahay dal doonaya inay wax kasta wada hadal ku dhameeyaan”ayuu yidhi.




Nickolas Kay ayaa isna dhankiisa sheegay “waxaanu doonaynaa inaanu Somaliland ka taageerno arrimaha muhiimka  ee ay u baahanyihiin, waxaan doonaynaa inaanu si guud ula shaqayno Somaliland”ayuu yidhi Kay.




Kulanka labada dhinac dhex maray ayaa ahaa mid si weyn isha loogu hayo, waxaana ka horeeyay kulamo uu Goleyaasha Baarlamanka saaka arroornimadii hore kula yeeshay xubno ka mid  ah Shir-guddoonka labada Golle, siiba Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.




Gobanimonew




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com