Wednesday, August 20, 2014

Shir loogu talinayo Qaxoontiga Soomaaliya ee dhibaateysan oo Addis-ababa ka furmaya


Reysal-wasaare Cabdiwali oo galabta soo gaadhay....




 hamlayoAddis-ababa(GNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xuuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdiwali Sheikh Axmed iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudane Cabdullahi Godax Bare, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiiri galinta Maalgashiga Cabdiraxman Ducaale Bayleh iyo Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha  Axmed-Daahir Cabdikarin Nuur, ayaa galabta soo gaaray magaalada Addis Ababa, si ay uga qayb galaan shir ay soo qaban qabisay Hay’ada Qaxootiga Aduunka (UNHCR) oo ka dhacay Caasimada Itoobiya.




Shirkaan oo bari furmaya ayaa waxaa ka soo qayb galaya wadamada gobolka sida Yeman,, Jabouti, Ehtiopia, Kenya iyo Ugandha, iyo Hay’ada kale oo caalami ah.




 U jeedada shirkaan laga leeyahay ayaa ah, si ay dowlada Soomaaliya ugu muujiso caalamka sida ay uga  go’an tahay in xal waara loo helo qaxootiga Soomaaliyeed oo ku nool wadamda dariska ah.




Shirkan ayaa la filayaa in lagu jeedayo firkarado xal u keenaya qaxootiga soomaliyeed iyo in wadamada gobolku ay ka qaataan u jeedo midaysan.hambalyo2




Waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu dadaal u gali doonaa sidii caalamka looga dhaadhicin lahaa in dowladda Soomaaliya gacan laga siiyo sidii Qaxootigu dalkooda ugu soo noqon lahaayeen.




Dowladda Soomaaliya ayaa siinaysa shirka muhiimad gaar ah, madaama Qaxooti Soomaaliyeed oo tiro badan ay ku sugan yihiin wadamada dariska ah, taas oo culays ku ah gobolka iyo dowlada Soomaaliya