Pages

Sunday, August 3, 2014

Saynis-yahanno qalab casri ah u adeegsanayo sahminta meeraha Faraare (Mars)


mars-300x168(GNA) Shirkadda aalaaba ku taxluuqda arimaha Meerayaasha iyo Sayniska guud ee loo yaqaano NASA ayaa qorshaynayo inay safarkoodii sahminta ahaa ee meerayaasha (solar system) ay howlihiisii  laba lixaadiyaan iyagoo sahmintoodu ay markaan ku wajantahay meeraha loo yaqaano Faraare (Mars). Dadka sahminaya ayaa ku qalabaysan aalado casri ah oo dhawaan la hindisay, kaasoo si sahal ah ugu ogolaanayyo ama u fududaynaayo inay u sahmiyaan meerahaani qaabab kala duwan oo aanan horay loo tijaabin.




 




Sida laga soo xigtay Masuuliyiinta NASA, waxay sheegeen meeraha Faraare loo yaqaano si rasmi looga warkeeni doono sanada 2020-ka. Qalabka casiyaysan oo loo adeegsan doono sahmintiisa waxaa kamid ah Mastcam-Z, SuperCam, Planetary Instrument for X-ray Lithochemistry (PIXL), Scanning Habitable Environments with Raman & Luminescence for Organics and Chemicals (SHERLOC), the Mars Oxygen ISRU Experiment (MOXIE), Mars Environmental Dynamics Analyzer (MEDA) and the Radar Imager for Mars’ Subsurface Exploration (RIMFAX).




 




“Maantay waxaan qaadnay talaabo kale oo muhiim u ah safarkeena ku wajan meeraha Faraare (Mars)” Maamulaha guud ee NASA Md Charles Bolden ayaa hadalkaasi qaab farxadeed u yiri mar uu warfidiyeenada la hadlayay.




 




Maamule Charles ayaa asagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri “Inaan caga-dhigano meeeraha faraare waa howl aad u culus, feejignaanta iyo hal adayga sahmiyayaasha saynisyahanadeena robetiga ah, waxay u gogol xaarayaan in aadmigu u sii dhaqaaqo meelo ka fog fog oo ka shisheeya meeraha faraare. Sahminta faraare waxay noqon doontaa dhaxalka jiilasha soo socda, sidoo kale rover-ka faraare iyo ka guulaysigiisa waxaa noqon doonaa talaab muhiim ah safarka bani-aadamka ee meerayaasha cas (Red planet)”.




 




hadii sahankaan lagu guulaysto waxay gundhig muhiim ah u noqon doontaa in sahal ah horay loogi dhaqaaqo meerayaal kale.




 




Xigasho




 




Dailytech