Pages

Monday, August 11, 2014

Sawiro : Arsenal 3-0 Man City: Gunners Oo Karbaashtay City Iyo Damaashaadkii Koobka Comunity Sheild Cup


Goolal saddex ah oo ay u kala dhaliyeen ciyaaryahanada Santi Cazorla, Aaron Ramsey iyo Olivier Giroud ayaa u horseeday kooxda Arsenal inay kaga guulaysato koobka Community Shield 3-0 naadiga haysta horyaalnimada Premier League ee Manchester City.




 




victoryCazorla ayaa ku furay gooldhalinta kubad uu si qurux badan u daba mariyey goolwadaha oo difaacuna ka xigo laakiin lugihiisa ka soo dhex baxday qaybtii hore ee ciyaarta ka hor intii aanu goolka labaad u raacinin Ramsey isla qaybtii hore ee kulanka.




article-2721188-206A9F9E00000578-718_964x386-655x360




City ayaad moodaysay inay woxogaa is difaac ah iyo dar dar gallin dhinaca weerarka ahi ka muuqday iyadoo xooga ugu badana ee ka dhex muuqdayna uu ahaa ciyaaryahanka David Silva, laakiin weeraryahan Giroud ayaa kubad uu ka dhaliyey meel u jirta 25 yard goolka Manchester City wax yar ka hor dhamaadkii ciyaarta , ku soo gunaanaday rajadii City ka lahayd horyaalka Comunity Sheild Championship.




 




Kooxda Arsenal ayaa ahayd awooda ciyaarta iyadoo saftay saddex kamid ah laacibiinteeda ay xagaagan soo xero gallisay , waxaana xidigaha ciyaarta shiday kamid ahaa, Alexis Sanchez, Jack Wilshere, Ramsey iyo Cazorla oo dhamaantood gacan buuxda ku maamulayay shookaanta ciyaarta.




 




Koobkan Arsenal Hantiday ayaa noqonaya kii labaad dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey ay hanato, waxaanay guushani fariin iyo digniin culusba u tahay kooxaha sanadkan kula loolami doona horyaalka Ingiriiska.




 




Dadka ciyaaraha faaqida ayaase is weydiinaya , Tababare Wenger ma sii wadi doona qaab ciyaareedka sidan u sareeya , mise waxa quusin doona tababaraha ku cusub horyaalka ee Van Gaal oo aan wali isna dhiniciisa dhulka la dhigin , intii ciyaarood ee uu hada hogaanka u hayay kooxda shayaadiinta dharka cas leh.