Sunday, August 10, 2014

R/wasaare C/wali oo Ganacsatada iyo Qurbo-joogta ku dhaliilay Naxariis daro


Wuxuu ku dhaliilay inaanay gurmadka abaaraha ka qayb qaadan




ShirkaaaMuqdisho, August, 10, 2014(GNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa fariin adag oo ku aadan abaaraha iyo biyo la’aanta ku dhufatay qeybo kamid ah gobollada dalka u diray bulshada Soomaaliyeed ee wax haysata gaar ahaan qurbe-joogta iyo ganacsatada.




Xaalada abaaraha iyo biyo la’aanta gobollada soomaaliya qaar ayaa ah mid ku sii durkaysa halis, ay walaac ka muujinayso dawladdu.




 “Waxaa murugo leh, in dalkeenna iyo dadkeenna, markii la joogo dhowr sano ay abaar iyo biyo la’aani ku habsato. Waa murugo sannad walba, in warbaahinta dunida laga daawado hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed oo gaajo la il daran ama u dhimanaya. Walaalleyaal, hadaan la sugno bulshadeena gar gaar shisheeye waxaa dhici karta in dhibku intaan ka sii darnaado, waxaa lagama maarmaan ah inaan fahamno, garawsanno una istaagno, inaan isku tashanno oo aan ka maaranno gar-gaar shisheeye”




Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo sii hadlayay ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay gurmad deg-deg ah ugu fidin lahaayeen dadkooda dhiban isla markaana aysan ku halayn gurmad ka yimaada caalamka.




“Ma waxaan awoodi waynay inaan isku aragti ka noqonno isku meelna uga soo wada jeesanno sidaan ummaddeenna jahliga, baahida, biyo la’aanta, baryada iyo gacan hoorsiga caalamka uga maarmi lahayn, taas oo dhaawacaysa sharafteena iyo qarannimadeena. Waxaan si gaar ah ula hadlayaa maanta qurbe-joogta Soomaaliyeed iyo Ganacsatada iyo inta wax haysata inaad xil gaar ah iska saartaan walaalihiinna Soomaaliyeed oo dhibaatadu ku habsatay, nolol xumada iyo murugadana la il daran”ayuu sii yiri.




Waxa kale oo uu ka digay inay xaaladda jirtaa noqoto mid la mid ah tii sanadkii 2011-ka ka dhacday dal.




 “Ha sugina inta ay dhacayso dhimasho la mid ah tii dhacday 2011. Taas oo markii aad ka aragteen geerrida dhacaysa shaashadaha caalamka aad u soo gurmateen, ha sugin hana ku fakarin in gacan shisheeye ay keento gurmad deg deg ah, Adduun iyo aakhiraba waxaad sharaf ku leedihiin inaad walaalihiin usoo gurmataan inaad dhallaanka, hooyooyinka iyo odayaasha Soomaaliyeed maanta iyo maalin dambeba ka badbaadisaan dhibaatooyinka is kaashaday.”ayuu yiri.




Xukuumadda Soomaaliya ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku dhawaaqday gurmad abaareed oo heer qaran ah.




Qaramada midoobay ayaa bishii june shaacisay in abaarta ku soo wajahan Gobollada soomaaliya badankoodu sababi karto macaluul iyo nafaqo daro la soo derista Boqolaal kun oo qof oo caruur iyo waayeel isugu jira, kuwaasoo naftoodu helis ku jirto.




Laakiinse walaaca xagga nolosha ee taagan waxa ku lamaan mid nabad-gelyo daro oo ku gedaaman gurmadka bina-aadanimo, hadii laysku dayo in sahay iyo biyo la gaadhsiiyo dadka tabaalaysan.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com