Pages

Monday, August 18, 2014

Reysal-wasaaraha Ingiriiska oo ka badheedhay dagaal ka dhan ah Islaamka


david comerLondon(GNA)-Reysal-wasaaraha Ingiriiska ayaa ka badheedhay dagaal lala galo Muslimiinta Suniga ah ee dalka ciraaq, kaddib markii uu ku dhawaaqay inay dawladdiisu ku dhaqaaqayso talaabo kasta oo lagaga hortegayo waxa uu ugu yeedhay Argagixisada dagaalka casru jaahiliga ah ka wada dalka ciraaq.




Camaroon ayaa sheegay in dawladdiisu cudud milateri iyo Taageero diblomaasiyaddeed labada kaga hortegyso ISIS “dagaalka ISIS, maaha dagaal Argagixiso, waa dagaal diimeed”ayuu yidhi Cameron oo fariin qoraal ah ku baahiyay page-kiisa facebook.




Reysal-wasaaraha Ingiriiska ayaa sheegay in London 13 Million oo lacaga Euro-ga ah ugu  deeqday gurmadka lagu badbaadinayo Dadka Yazidisyiinta ah ee ay  ku go’doomiyeen Buurta la yidhaahdo sinjar ee dalka ciraaq.




Waxa kale oo uu sheegay inay dawladdaha Iran iyo Sucuudiga kala shaqayn doonaan sidii loo xakameyn lahaa ISIL, isla markaana hawl-galo ciidan hadii loo baahdo gudaha ciraaq ay u diri doonaan.




David Cameron ayaa digniin culus u diray dadka  Muslimka ah  ee dalkiisa ku nool, kuwaasoo uu sheegay in qofka lagu qabto isagoo ciidamo u qoraya kooxdaas ama sita caalanka madow ee ISIL la xidhi doono.




Hadalka uu jeediyay Mr Cameron ayaa ah mid cad oo taabanaya taageerayaasha ISIS iyo Muslimiinta oo dhan, maadaama oo uu soo qaaday waxa uu ku tilmaamay dagaal diimeed.