Pages

Sunday, August 3, 2014

Radamel Falcao Oo Ku Sii Dhawaanaya Inuu Ku Biiro Real Madrid.


Weerar yahanka kooxda AS Monaco iyo qaranka Colombia Radamel Falcao ayaa ku sii dhawaanaya inuu ku biiro kooxda haysata koobka horyaalada yurub ee Real Madrid.




falcao-colombia490ai_0




Wargayska ree France ee L’Equipe ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Monaco ay diyaar u tahay inay ka iibiso Radamel Falcao kooxda Real Madrid kadib markii ay horay uga iibisay James Rodriguez.




 




Real Madrid ayaa lasocon doonta xaalada laacib kaan marka uu galabta ciyaaro kulanka Valencia oo ka bilowday goor dhaw garoonka Arsenal ee Emirates, Falcao ayaana ku soo bilowday kaydka maadama uu yahay kulankiisii ugu horeeyay ee uu ciyaarayo tan iyo dhaawiciisii.




 




Waxaa jira warar kale oo sheegaya in ay suuro gal tahay in Real Madrid ay ku soo qaadato amaah hal xili ciyaareed ah oo ay awoodo inay wada iibsato iyagoo amaahda ku bixinaya 12.5 milyan oo euro.