Pages

Monday, August 11, 2014

Qayla Dhaanta Khuburadda Teknolojiyadda iyo Ilaalinta USB-ga Cyper-da Aaladdaha Cusub Ee Dunida


usb-(GNA) Khuburada ku taxluuqda amniga Cyper-ada ayaa qaylodhaan ka muujiyay ilaalinta iyo difaaca aaladda USB-ga loo yaqaano ee lagu xadhidhiyo kombiyuutarada.




 




Cilmi-baadhayaasha fadhigoodu yahay magaalada Baarliin ee kala ah Karsten Nohl iyo Jakob Lell ayaa caddeeyay sida aaladda USB ay u dhaawici karto kombiyuutarada iyadoo aay ogaan in isticmaalaha (user)  kombiyuutarka.




 




Cilmibaadhayaasha ayaa sheegay in aaney jirn qaab waaqici ah la isaga difaaci karo halistaasi.




 




Hay’adda masuulka ka ah hab-raaca USB ayaa tilmaamay in soo saarayaashu laga dalbanayo in saa idiyaan awooda difaaca iyo ilaalinta aaladdahan.




 




Mr. Nohl iyo Mr. Lell ayaa carabaabay in teknolojiyadii ay “si aad ah u waxyeelowday”




 




USB-yadu can ayay ku ahaayeen in virus-ka la isugu gudbiyo iyo waxyaabo kale oo ciladayn




 




Dhacdada ugu caansan ayaa ahayd in weerarkii lagu qaaday stuxnet server-ada haga nuclear-ka Iiraan uu sababay USB ciladaysnaa




 




Si kastaba ha ahaatee, cilimibaadhistan cusub ayaa tilmaantay heerka sare ee uu marayo khatarta USB-yada, xitaa hadii ay yihiin kuwo eber ah ay qaadi karaan malware dhaawici kara kombiyuutarka




 




 




Askar Ismaaciil




Gobanimonews.com