Pages

Tuesday, August 5, 2014

Puntland: laba sarkaal-baa ku Shahiiday qaraxaas Ehlu-naarku fuliyay".dhegeyso


Hoos ka dhegeyso.Wasiirka amniga Puntaldn oo ka hadlay Weerarkii saraakiisha ciidanka lagu laayay




[caption id="attachment_92376" align="alignleft" width="300"]waa Mujaahidiin waa Mujaahidiin[/caption]Garoowe(GNA)-Wasiirka Amniga Puntland ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerar isqarxin ah oo Nin isku soo xidhay waxyaabaha qarxaa ka fuliyay goob dadku badanyihiin oo ku taalla magaalada Boosaaso.




Qaraxa oo sababay dhaawacyada dadk gaaraya dhowr iyo toban qof oo kale ayaa waxa ku dhintay Taliyihii qaybta Booliska gobolka Bari gaashaannle sare Cabdi Raxmaan Cali Xuseen (Muslim) , Sarkaal ka tirsanaa waaxda Cashuuraha ee Gobolka oo Kabtan ahaa iyo mid ka mid ah Ilaalidii gaar ahayd ee Taliyaha Booliska.




Sidaana waxa Caawa warbaahinta u xaqiijiyay Wasiiirka amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore oo caawa warfidiyeenka kula hadlay Magaalada Garoowe.




Wasiir Alloore ayaa yidhi “ saddexdaa Nin waa mujaahidiin, waxa dilay qof ehlo naar ah oo isqarxiyay”ayuu yiri.




Wasiirka ayaa intaas raaciyay, “wax cabsi ah naguma abuurayso weerarrada cadowgu nagu soo qaadeen, hada iyo horey toona”ayuu sii yiri.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Wasiirka-amniga-.mp3"][/audio]