Monday, August 11, 2014

Nuur Baraxow: Hogaamiye al-Shabaab mise qof shacab ah oo la dilay?Daawo


[caption id="attachment_92720" align="alignleft" width="300"]Nuur baraxow oo shacab iyo shabaab Nuur burucow oo shacab iyo shabaab[/caption]




Muqdisho(GNA)-Warbaahinta Dawladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay sarkaal ka tirsan Alshabab oo sida ay sheegeen ciidamada dawladda Soomaliya maanta ku toogteen Magaalada Muqdisho.




Ninkan oo sida laga baahiyay warbaahinta dawladda kaalin firin fircoon uga jiray xarakadda Alshabaab, ayay soo bandhigeen Maydkiisa oo xabaddo ku yaallaan, laakiinse xarakada alshabaab ayaa beenisay dilkaasi, iyagoo sheegay inaanu Ninkaas oo magaciisa lagu sheegat Nuur Buruxoow ka mid ahayn Saraakiisha Alshabaab.




Alshabaab ayaa Ninkaasi ku tilmaamay inuu ka mid ahaa dad rayid ah oo ay ciidanka dawladdu ku laayeen Magaalada Muqdisho.




Laakiinse warka dawladdu baahisay waxa uu sheegayaa inuu hogaamiye hawl-galin u ahaa Alshabaab.




Halkan ka Daawo




Jawaabta Alshabaab:




Kaddib markii warkaasi soo baxay, Warbaahinta Alshabaab waxa ay wariyeen inay la xidhiidheen saraakiil ka tirsan xarakada Alshabaab ee Magaaalada Muqdisho ka hawl-gala.




"Murtadiintu maalmahan xasuuq ayay ku hayaan shacabka muslimiinta magaalada Muqdisho,warbaahinta waxaan ka maqalnay iyagoo oranaya sarkaal Al Shabaab katirsan oo Baraxoow layiraahdo baan qabanay kadibna dilnay warkaasi waa been waxaan caddeynaynaa in ruux Nuur Baraxoow ladhaho uusan shabaabul Mujaahidiin katirsanayn magaca cadawgu sheegeen annaguba maba naqaan sidoo kale dhalinyaro ciyaalka kubadda cagta ciyaara ah ayay suuqa xoolaha ku dileen iyana annaga nagama tirsanayn”ayuu yiri sarkaal sare oo XSHM katirsan oo la hadlay Somalimemo.




Milateriga Dawladda iyo Alshabaab ayaa inta badan isweydaarsada warar iskhilaafsan oo ay dagaalada iyo dilalka noocan ah midba wax ku sheegto.