Pages

Saturday, August 9, 2014

Ninkii curiyay aaladda sawirta fahaha iyo suulka (Fingerprinting) oo la gudoonsiiyay hadiyadda ugu qadiimsan


aLE-300x168(GNA) Ninkii curiyay aaladda sawirta faraha ama suulka (Fingerprinting) ayaa lagu abaalmariyay hadiyadda sayniska ee ugu qadiimsan dunida




 




1884 ayay ahayd markii ninka lagu magacaabo Prof Sir Alec Jeffreys uu curiyay aalad lagu kala saari karo dadka iyadoo lagu salaynayo waxa loo yaqaano hidde sheege (DNA)




 




Ku guulaysiga curinta aaladda sawirta faraha ayaa waxa ay xal u noqotay mushaakilo iyo su’aalo badan oo ku saabsan aqoonsiga iyo is lahaanshaha.




 




Mudane Prof Alec ayaa lagu abaalmariyay hadiyad aad u qaali ah isagoo ku mutaystay ka aaladii uu curiyay oo wax badan xal u noqotay oo ay kow ka tahay kala saaridda dadka marka ay timaado in la aqoonsado




 




Prof Alec Jeffreys oo dareenkiisa ka hadlayay ayaa sheegay inuu si aan innaba caadi ahayn ugu faraxsanyahay hadiyada lagu sharfay iyo aad loogu riyaaqo hawshaan oo uu waday mudo ka badan 30 sano oo maantay miraheeda looga intifaacaya guud ahaan dunida.




 




1987-dii ayaa aaladaan markii ugu horaysay loo soo suuq geeyay  dunida. Waxaana si aad ah u isticmaala waaxaha socdaalka (Immigration departments) ee dunida, waxaa sidoo kale isticmaala hay’adaha dowladda, kuwo ganacsi iyo qaabab kale.




 




Hadiyadan la gudoonsiiyanyo mudane Alec ayaa noqonayso mid ugu qaalsan marka laga eego duugnimadeeda (qadiimnimadeeda).




 




Diyaariye:-C/qaadir Askar




askars@hotmail.com




Gobanimonews.com