Thursday, August 21, 2014

Nin xumi qabiil wuu ka dhashaa,laakiinse qabiil xuni bulsho kama dhasho


By: AhmedYasin Mohamed Jama




[caption id="attachment_93517" align="alignleft" width="300"]Maareeyaha Wakaalada Korantada Hargeysa Maareeyaha Wakaalada Korantada Hargeysa [/caption]Qabiil hadaynu qeexno marka hore,qabiil waa hayb, ama magac ama astaan la inoogu talagalay inaan isku garano, iskuna kaalmayno Qabiil hadaynu qeexno marka hore,qabiil waa hayb, ama magac ama astaan la inoogu talagalay inaan isku garano, iskuna kaalmayno, qabiilku ma xuma mana xumaan karo haddaan lagu xumaan falayn.




Waa magac, sida wax waliba uu magac u leeyahay u leh. Hadaba arinku wuxuu xumaaday marka qabiilkii loo badalay qabiilism ama qabiilnimo, waxaa qabiilnimadii hoos cararaya ama hoos yimid in lagu doodo ama lays yiraahdo oo ayba faan noqoto oo la yidhaahdo qabiilkani wuu ka badan yahay qabiil hebel, sidaa daraadeed wuu ka fiican yahay qabiilkaasi laga batay, sheeko caan ah ayaa jiray oo ka dhcday xagaa iyo carabaha, waxa dhacay in laba reer ku murmeen inuu midba ka kale ka badan yahay, dabadeedna mid ka mid ah labadaa qabiil uu ku dooday in sanadkii ina dhaafay ay rag badani kaga dhinteen dagaal ay la galeen qabiil kale, sidaa daraadeed ay xabaalaha tagi doonaan si ay usoo tiriyaan intii ka dhimatay, imika sida aynu ku socono ama aan ku arko somalida markay meelaha lagu kulmo isugu yimaadaan sida ay u qabiilaysan yihiin ama ay u leeyihiin anagaa idinka badan , ayaan is idhaahdaa dee malaha kuwanina xabaalaha ayay tegi si ay u soo tiriyaan dadkii kaga geeriyooday dagaaladii shisheeye iyo sokeeyaba.




dee waa runtay. waxyaalaha aan la yaabo waxa ka mida waxaad maqlaysaa waa qabiil tiro yar, qabiil laandheere ah, qabiil laangaab ah, qabiil wanaagsan, Iyo qabiil takooran Iyo qaar kaloo badan. Dhibaato waxay timid markii qabiil qabiilnimo laga door biday.




Taasi waxay keentay ama keentaa in dadkii isku duubnaan jiray ee walaalnimo Iyo jaarnimo iyo jacayl ka dhexeeyay ama wadaagi jiray ay isu gali waayaan Marka aan intaa tusaalaha ah ka soo gudbo, qabiilku waa isir iyo abtirsiimo latacaarafu ah, weliba aynu la wadaagno umada aduunyada Ku nool oo idil Dhibaato ma leh in qabiilka loo arko tilmaan beeli leedahay, laakiin qabiil lagu faano waxay keentay in midna haybad loo yeelo midna laba takooro Ka Ku faanaya qabiil inuu ka wanaagsan yahay qabiil kale waa jaahil, kan marka la yaso ama la takooro ka xanaaqayaana waa jaahil.




Waayo maxaan sidaa u leeyahay?  waxaan sidaa u leeyahay hadaad u fiirsato suurada quraanka ee hujuraat aayada sadex Iyo tobanaad waxay leedahay




“يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ”




 O mankind! We have created you from a male and a female, and made you into nations and tribes, that you may know one another. Verily, the most honourable of you with Allah is that (believer) who has At-Taqwa [i.e. one of the Muttaqun (pious – see V. 2:2). Verily, Allah is All-Knowing, All-Aware.




Waxay leedahay bini adamow, waxaa idiin abuurnay lab iyo dhedig, waxaan idinka yeelay umado iyo qabiilo, aad isku garataan midkiinba midka kale, run ahaan, ka idinku sharaf badan ee u wanaagsani waa ninka muslimka ah ee idinku taqwada badan xaga ilaahay agtiisa. Hadaba marka qofna la weyneeyo qofna la yaso waxay kharibtaa ama hoos u dhigtaa sharafta iyo kartida umadaasi lahaan lahayd ama shaqsigaasi lahaa Hadaba dadka Ku shaqaysta ama u arka inay faaiido u tahay waayo, yaa daba ka wada bahasha ama qabiilismka?




Waxaan odhan karaa waxaa naaxnaaxiya inta qabiil walba ugu xun ama ugu jaahilsan ee waliba ah dad yar ama minority ah, qabiil walbana in yar oo jaahilnimo hayso ayaa dabada ka wada, kuwaaso bulshada khariba, siiba dhalinyarada oo Ku barbaara kuna weynaada ama ku kora iyagii oo uu qabiilismku ama qabyaaladu ka mid noqoto qayb noloshooda ka mid ah. Waxaad arkaysaa dhalinyaro yaryar oo meelahaas Internet ka gaar ahaan Facebook ama social media ha la baxaya magacyadii beelaha ay ka soo jeedaan, tolow ma ila aragteen, mise aniguun baa arkay.




 Inankaa ama inantasi waxa laga yaabaa oo dhici karta inaanu arag ama maqal cid Ku tidhaa qabiilism ku wuu xun yahay, sidaa daraadeed sidii uu diinta ugu dhaqmi lahaa buu iyadii u sitaa.




 Qolyahaa minority ga ah eey ku jira qabiil walba ayaa horta ka masuula qabyaalada. Qolyahaa minority ga ahi waxay mar walba kiciyaan ooy xiisad geliyaan beesha ay ka soo jeedaan, iyagoo ku boorinaya in qabiil hebel la naco ama lala coloobo, sababaha ka danbeeyana hadaad dib usii fiiriso ay tahay in qabiilkaa ama wax dhex maray ama boqol sano ama in ka badan ka hor uu dagaal ka dhex dhacay, wuxuu isku dayaa in xataa tuhun kala dhex dhigo beelo inta wax dhex mareen ka heshiiyay, ayuu dhibaato iyo fidmo dhex dhigaa Dadka badanka qabyaalada sida xun u isticmaala sidaan kor ku xusay waxay u badan yihiin dad jaahilnimo hayso, laakiin waxaad moodaa beryahan danbe in cid waliba ay imika bahasha madadaaliso, waa macalin quraan, waa macalin iskuul,waa arday iyo ardayad,wadaad,mutacalimkii ,kii aan mutacalimka ahayn,dumarkii,dhalintii.




Wadaadadu ha ugu badnaadeen, waayo wadaadadu waa kuwii dadka ka wacdiyi lahaa qabyaalad, laakiin iyagaaba safka hore la taagan seefta. Cid ka maqan arki maysid.




Hadana markaad qof walba gooni u waraysato eed waydiiso qabyaalada iyo xumaheeda, waxaad ogaanaysaa in dadku ay wada og yihiin ama dareensan yihiin dhibaatadeeda, dadka badankoodu waxay kuu soo daliilinayaan ama kuu sheegayaan intaasoo xadiis Iyo quraan ka hadlaya xumaanta qabyaalada, hadana kii sidaa kulahaa ayaad ugu soo galaysaa hotel ama maqaaxi isagoo Ku lisaya ama ilaa gabayo la isu tiriyay beri la is dilay akhriyaya ama tirinaaya. Yaab!Maxaa khaldan tolow ilayn waakii shalay lahaa bahashu way xuntahay, Waxaan u malaynayaa inay dadku bahashu dhiigooda raacay oo ay u baahan yihiin in dhiiga inta laga badalo dhiig cusub lagu shubo, waxan afka qalaad lagu yidhaahdo :rehabilitation: Qolyahaas qabyaalada ku shaqaysta ee qabiiladooda hawsha iyo dhibaatada la daba taagan hadaad u fiirsato waa mid dan gaara leh, waa mid doonaya inuu madax ugu noqdo ama xil doon ah oo raba inuu dhaqaale ka uruursado iyo qolyo raba raba inuu meel walba ka muuqdo si loo barto Dhibaato kale ayaa jirta oo u baahan in iyana la iftiimiyo, waxaad arkaysaa iyadoo dhulka lagu masaxayo ama la qiimo ridaayo qof bulshada asset u ah ama astaan u noqon kara wadanka dhan, ha ahaado sheikh caalim ah, ha ahaado mutacalim, ha ahaado dhaqtar ama nin gabayaa ah oo qabyaalada neceb. Maadaama uu qabiil kale yahay ayaa ama dhulka la dhigayaa ama la caayayaa. Ka qabyaalada naca ee dadka isku ururiyaana waaba nacas Waxyaalaha aan la yaabo ee dadku caadaysteen ayaa waxa ka mida sida la isu haybsado oo la yaabayso.




 Waxa ka mid ah ma magaalo hebla ayaad ka timid Iyo haa, (hadii qof waliba uu ku faanayo aniguu magaalo hebla ayaan ka imid way wanaagsanaan lahayd sida caalamka). markaad magaalada u sheegto hadana waxa xiga iyo daantee, waxa kale oo ka mid ah, ma Reer hebel baad tahay waadigan sidoodii u dhaadheer ee u qurux badane, ma reer hebel baad tahay waadigan sidoodii u hadlaaya e iwm. Waxay gaadhay in xataa laysku caayo lahjada ama accent ka uu qofku leeyahay, magaalo waliba accent gaara ayay leedahay, tusaale London waxay waxay ka kooban tahay 33 xaafadood, xaafad waliba waxay leedahay accent gaara, iska daa magaalooyinka kale ingiriiska, Masar waa sidaa, magaalo la lahjad ah magaalo kale ma jirto caalamka, maan arag meel weli laysku caayayo lahjad ama sida gaarka ee shaqsi ama gobol u hadlo. Waxa jirta oo iyana dhibaatadeeda leh , arki maysid wax ka hadlaya oo ama tv kaga doodaya ama media ha kaleba, markaa waxaan is weydiiyaa hadii aad arki wayday wax ka hadlaya xumaanta qabyaalada ayaa waxaad is odhanaysaa malaha bahasha dadku way ku dhan yihiin.




 Dhamaanteen waynu ognahay in qabiilism ku dhibaato weyn uu inagu hayo guud ahaanba. Maxaynu u baahanahay, waxa loo baahan yahay wacyi gelin ku salaysan sidaa qabiilism loo tirtiri lahaa dadkana loo bari lahaa dhibaatada qabyaalada iyo faa?iidadeedaba oo ay weliba dawladu ugu horayso wacyi gelintaa.




La falanqeeyo waxa inaga xun ama inaga xumaaday deedna action plan loo samayn lahaa Waxaan ku soo gababaynayaa in aynu ogaano in bini adamku ilaahay nin walba karti dheeraad ah ama haybad gaara uu leeyahay.




Waxaan odhan lahaa dacaayadaha raqiiska ah ee qabiilba qabiilka kale inuu ka wanaagsan yahay in la joojiyo. Inaan dagaalo dhacay casri jaahiligii oo weliba jaahilnimo iwo wax la mid ah ka dhashay la sii wad wado oo la yidhaa anagaa idin laynay oo idinka guulaysanay iyo wax la mid.




La soco qaybta danbe




“DUGSI MA LEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE”




 AhmedYasin Mohamed Jama




 aymjama@hotmail.co.uk




London United Kingdom