Pages

Sunday, August 10, 2014

Nin Xoolo dhaqato ah oo lagu dilay nawaaxiga Kalshaale


Hagoogane(GNA)-Nin shicib ah oo Reer guuraa ah, ayaa lagu dilay Jimcihii shalay Deegaanka Hagoogane oo wax yar u jirta Baliga Kalshaale oo dagaal beeleed iyo colaad kale oo soo noqnoqday ka dhaceen saddexdii  sanno ee la soo dhaafay.




Dilka ayaa la aaminsanyahay inuu daba socdo dilal hore oo aano ah oo ka dhacay deegaamada ku teedsan Kalshaale oo ah dhuldaaqsimeed lagu muransanyahay.




Ninka la dilay ayaa ka soo jeedda Degmada Buuhoodle, iyadoo  tuhun mooyaane wali cid dilkaasi sheegatay aan la xaqiijin.




Muddo laba bilood ka soo wareegtay ayaa Deegaamada Sool-joogto iyo Maygaagle oo isla nawaaxiga Kalshaale ah, balse dhinaca Buuhoodle raacsan dilal kala duwan oo aano ah labada Beelood ee dhulkaas wada degaa isugu geysteen.




Mid ka mid ah Dadka deegaanka oo Gobanimonews la hadlay ayaa sheegay inay xaalada deegaanku degentahay, inkasta oo aan wax waan waan ah oo wali la bilaabay jirin.




Gobanimonews




Buuhoodle Office




Email: editor@gobanimonews.com