Pages

Thursday, August 7, 2014

Muuse Biixi oo Maanta isu-dhiibay Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa.Dhegeyso


Muuse Biixi: Waad naga adkaateen, xukuuamddii hadaad tihiin waad mahadsantihiina namaydaan odhan”dhegeyso




Samaale: Maalin igu adag ayay ahayd markii laygu yidhi Muuse Biixi uga tanaasul hankaygii Guddoomiyenimada”Dhegeyso




Heshiiskii saddexaad ee Kulmiye afar bilood gudahood maxaa lagu aamini karaa?Aragtidaada ka dhiibo




[caption id="attachment_92508" align="alignleft" width="300"]shirka Golaha Wasiirrada shirka Golaha Wasiirrada[/caption]  Hargeysa(GNA)-Wuxuu ahaa kulan xiiso badan oo si weyn loogu wada dheg taagayay Shirkan ay maanta markii ugu horaysay foolka fool, iyadoo ay dhinacyada kulmiye ee Xukuumadda iyo hogaanku isu dhanyihiin toos loogu garnaqsaday.




“khilaafku wuxuu ka dhexeeyay Xisbiga oo qoladiina xukuumaddu madaxweynaha la safnaydeen iyo annaga oo hogaankii ah” sidaasi waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.




 “intii khilaafkaasi jiray wax badan baa dhacay, waanad naga adkaateen hadii aad xukuumadii tihiin,  waad mahadsantihiina namaydaan odhan” ayuu yidhi sii yidhi Muuse Biixi oo ka hadlayay kulan maanta isaga iyo Garabka Xukuumadda ee Xisbigaasi ku dhex maray Madaxtooyada.




Shirkaasi waxa goob-joog  ka ahaa Madaxweyne Siilaanyo oo dhinacyada is hayay Guddoominayay kulanka dhex maray.




Muuse Biixi ayaa Shirkaasi kaga dhawaaqay in loo baahanyahay in xisbigii laysku soo celiyo oo la walaaleeyo dadkii hilaafku kala irdheeyay “waxa laydiinka baahanyahay inaad xisbigii isu keentaan oo dadkii dib laysugu soo uruuriyo, annaguna taas ayaan diyaar u nahay”ayuu yidhi.




Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna shirkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay go’aanka Muuse Biixi soo jeediyay, isagoo si lab xaadhnaani ka muuqato u yidhi “ anigoo ku hadlaya xubnaha Golaha Wasiirrada ee meesha fadhiya waxaanu balan qaadaynaa inaanu la shaqayn doono Hogaanka Xisbiga oo aan garab istaagi doono”ayuu yidhi.




Samaale ayaa Muuse Biixi uga mahad celiyay dulqaadkii badnaa ee uu muujiyay intii khilaafka xisbigu dib u soo laba kacleeyay.




[caption id="attachment_92508" align="alignleft" width="300"]Saylici iyo Siilaanyo shirka Golaha Wasiirrada[/caption]dhamaadkii kulanka oo madaxweynuhu hadlay kaddib waxa ay dhamaan dhinacyadu isqabsadeen gacmaha, iyagoo sheegay in laysku laab-xaadhay.




 




 




 




 




Halkan ka dhegeyso hadaladii madasha laysku waydaarsaday iyo waxa lagu heshiiyay:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Guul-muhiima-oo-laga-gaadhay-Loolankii-Xisbiga-Kulmiye-Maanta-.mp3"][/audio]




Heshiiskan ayaa noqonaya kii saddexaad ee ay wada galaan xisbiga Khilaafku hadheeyay iyo Xukuumaddiisu afartii bilood ee ugu dambeeyay, taasoo calaamatu su’aal gelinaysa dhaqan-galka heshiiskan ee Mustaqbalka.[caption id="attachment_92509" align="alignleft" width="300"]Guddoomiyeha kulmiye iyo Madaxweynaha oo gacmaha isqabsaday Guddoomiyeha kulmiye iyo Madaxweynaha oo gacmaha isqabsaday[/caption]




Akhriste sidaad u aragtaa Heshiiskan:




Email: editor@gobanimonews.com




Ama boggan: https://www.facebook.com/GobanimoNewsAgency?ref=hl&ref_type=bookmark