Wednesday, August 13, 2014

Mudane ma i Maqashaa? (SIR CAN YOU HEAR ME):Q2


“Maqaal(Article)  kasta oo aan qoraa wax uu ka turjumayaa xaalada dhabta ah ee uu ka hadlaayo, mana aha mid buun buunin ama beeni ku jirto, isla markaana maaha mid aan ka gaabsanayo ka hadalkiisa”




[caption id="attachment_92916" align="alignleft" width="300"]AQOONYAHAN AQOONYAHAN[/caption]Qaybteenan labaad ee maqaalkan aan u bixiyey muddane ma i maqashaa oo ah warqad ku socota xukumada uu maddaxweynuhe Ahmed Silaanyo garwadeenka kayahay iyo Xukumadaha ka dambeeya ee Maamulka dalka soo hunguraynaya in ay ku dhaqmaan oo fuliyaan Xeerarkan ku qoran dastuurka, taas oo aan ku caddaynayo hadii xeerarkan heshiiska lugula galay dadka ee shacabka Somaliland u codeeyeen in dalka lugu maamulo, hadii sidii loogu talo galay u fuliyaan in wax badan oo imaka shaki iyo tuhun leh ay ka bixi lahayeen.




Qodobka 12aad ee Dastuurka qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu Cadaynayaa Hantida-Guud, khayraadka dabiiciga ah iyo waxsoosaarka waddaniga ah, hadaba qodobkan oo inta ka-suurto gashay ay tahay in aad u yar, ayaa waxaa shaki ku abuuray bulshada Somaliland in khayraadka dalka oo ahayd in muwadiniita u dhasay waddanku ka faaidaystan kana shaqaystaan in ay tuhun iyo shaki kaqabaan in Hayadahan waddanka jooga ee ku shaqada leh deegaanka iyo baadhista shidaalku in ay sitaan qalab ay ku xaalufiyaan macadantii dhulka isla markaana in dawladu u ogolaatay dad shisheeye ah in ay ka gurtaan khayraadka badda ee ah kaluunka iyo noocyadiisa kala duwan.




Muddane qodobka 18aad ee Dastuurka qaranka Jamhuuriyada Somaliland Waxa uu cadanayaa “Deegaanka iyo Wax-ka qabashada Aafooyinka” ,sanad walba waxaa dalkeena ka dhaca abaaro joogto ah, taas oo keenta in bulshada dalkeenu gaar ahaan xoolo dhaqtada iyo beeralaydu dhib weyn u gaysta, taasna laga dareemo Magaalooyinka waaweyn ee dalka oo laga dareemo suuqyada busaarad iyo lacag la’aan ka dhacada.




Muddane sida uu qeexayo xeerkani waxa uu u dhiganayahay “Aafooyinka dhaca sida abaaraha, duufaanada,cuduradda faafa, dhul gariirka iyo dagaalada waxay dawladdu ka yeelanaysaa ku talagal” Sanad walba waxaa dooxyada iyo togoga dalkeena mar biyo aad u faro badan oo ka faaidaysiga qarankani uu aad u yaryahay, misana laba cisho gudahood biyo la,aan aanu ka joogno, iskadaa tuulooyinka iyo hawdka durugsan ee xitaa magaalooyinkii waaweynaa ee caasimadii Hargaysa kamid tahay ay biyo la’aani soo foodsaarto, Hadaba bal malee muddane hadii biyahan laga faaidaysto oo la xidho dhaammam biyo qabtin ah faaidada ay bulshada iyo qaranka u yeelan karto, bal malee beeraha iyo waxsoo saarka laga qabsan lahaa, bal malee oo xitaa biyahan la qabtay wax laga dhalinkaraa dabka (korntada).




Haddaba mudane sidan uu qodobkani caddaynayo maxay xukumada iyo dawladu mawqif kutalogal ah uga soo saari weyday arinkan, mise xeerkan Dastuurka ku yaal lamaba akhriyin.




Muddane sida uu Dastuurku sheegayo “Dawladu waxay dhiiri-gelinaysaa wax-soo-saarka wadaniga sida beeraha, xoolaha nool, kalluunka, macadanta, faleenka, xabagta iyo warshadaha ku shaqeeya wax-soo-saarka wadaniga ah” Hadaba qodobkan muhiimka u ah bulshada iyo dawladu wax uu noqonayaa xeer aad u muhiim ah oo ku dhaqankiisu uu umadda u horseedi lahaa horumar iyo dhaqaale ay helaan, laakiin hadii dhamaan khayraadkii waddanka lugu wareejiyo sharkado shisheey ah, waxaa sii yaraanaya runta iyo xaqiiqada ah in guul laga gaadho oo lagag dhabeeyo horumarkan beeraha, kaluunka iyo macdanta ee uu dastuurku sheegayo.




Lasoco qaybta 3aad..........................




 




W/Q: HAMSE BASHE MUHUMED




 




Student at Alpha University College




 




E-mail: Xamse18@gmail.com




 




Hargaysa Somaliland