Tuesday, August 12, 2014

Maxamuud Sh. Cumar oo loo "doortay" Guddoomiye Baarlaman Khaatumo


 




Hoos ka Daawo Muuqaal dhamaystiran: Waxa ku-xigeen u noqday Haweenaydii ugu horaysay oo siyaasadda Khaatumo xil ka qabatay




[caption id="attachment_92805" align="alignleft" width="300"]cumasSiyaasi ka soo jeeda Buuhoodle oo lagu doortay Madal geed hoostii laga yagleelay saax-dheer[/caption] Saax-Dheer(GNA)-Doorasho socotay Saacado, oo ay coddeynayeen 30 xildhibaan ka soo kala jeedda SSC, kuna tartameen saddex xildhibaan oo ka mid ah Golaha todobaadkan la soo xulay ee Khaatumo, ayaa Guddoomiyaha Baarlamanka Khaatumo loogu doortay Maxamuud Sheikh Cumar Xasan oo ah siyaasi ka soo jeeda Gobolka Cayn.




Doorashada ayaa ka dhacday Golle macbal ah oo ku yaalla Magaalada Saax-dheer oo ka tirsan Sool, halkaasoo xarun aan rigli ahayn u ah Hogaanka Maamulka oo uu ka mid yahay Cali Khaliif.




Cumar ayaa hore u ahaa siyaasi xilal ka soo qabtay Maamulka la baxay Khaatumo iyo Puntland oo uu Guddoomiye ku-xigeen Gobol u ahaan jiray sannado ka hor intaan Taleex lagu dhisin Maamulkiisa oo intii uu jiray uu ahaa Agaasimaha Wasaaradda Daakhiliga.




Waa nin hadalo cad cad oo inta badan ka soo horjeeda Siyaasadaha Puntland iyo Somaliland, inkasta oo uu yahay qunyar socod garowshiyo leh, isla markaana nabaddoon ah.




Halkan ka Daawo Doorashadiisa








fadumoWaxa kale oo Guddoomiye Ku-Xigeennadda Baarlaamka  khaatumo  loo doortay Faatumo jaamac Cilmi oo ah Haweenaydii ugu horaysay ee xil ka qabata Maamulkan.




Gabagabadii Munaasibadan ayaa waxaa soo xidhay Garaadka Guud ee beelaha SSC Garaad Jaamac Garaad Garaad Jaamac Wuxuuna ku dheeraaday Muhiimada ay maanta u leedahahay Shacabka khaatumo, Sidoo kale wuxuu sheegay doorka ay Haweenku ugu jiraan maamulka khaatumo isagoo xusay In Gudoomiye xigeen Baarlaaman Soomaliyeed oo ay gabadh hesho uu ka dhacay Khaatumo.




Halkan ka Daawo khudbada Garaad Dhaarin ka hor