Pages

Wednesday, August 6, 2014

Maxaad ka taqaanaa cudurka dilaaga ah casrigan ee Ebola Virus?.Q1aad


[caption id="attachment_92210" align="alignleft" width="228"]meelaha uu ku faafay meelaha uu ku faafay[/caption]Cudurkan oo sanadkan 2014 ka gaadhey heerkii ugu sareeyay ee uu sababo dhimasho , waxa ay xaqiijisey (WHO) ama ururka caafimaadka aduunku 31 kii Bishii July ee sanadkan tirada Guud ee sanadkan uu haleelay cudurkan in ay gaadhey 1440 xaaladood la arkey, waxaana u dhintey 826 qof.
Cudurkan oo loo yaqaan Ebola Virus Disease ( Evd) waxaana cudurkan Keena (Virus)ka loo yaqaan (Ebola Virus).
Ebola Virus markii ugu horeysay waxa uu ka dilaacey sanadkii 1976 wadamada kala ah :Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Congo iyo sudan. Ebolada nooca ka bilaabmay wadanka congo ayaa ahaa kii sababay heerkii dhimasho ee ugu sareysay ee cudurkan keeno qiyaastii 90 % sanadkaas.
Cudurka Ebola virus (EVD), oo hore loogu yaqaanay qandhada dhiigbaxa ee Ebola, waa cudur aad u daran oo inta badan dilaa ah qiyaas ahaan 90 % qofka uu haleelo cudurkan.
Hadii aynu jaleecno wadamada uu cudurkan ku faafay :
_Laga soo bilaabo 1976 _ 2013 cudurkan waxa uu ku faafay wadamada : Uganda,congo iyo sudan.
_ 2014 waxa uu ka dilaacay wadamada :GUINEIA,SIERRA LEONE Iyo wadanka LIBERIA.
Viruskan waxa laga qaadaa xayaawaanka Duurjoogta ah wuxuuna usoo gudbaa dadka, ka dibna waxa uu ku faafaa bulshada dhexdeeda isagoo qofba qof kael u gudbinaya. Nooc ka mid ah fiidmeerta (Fruit bats) iyo Daanyeerada ayaa la Rumaysanyahay in ay yihiin marti Galiyaha dabeeciga ah ee Viruskan.
Bukaanada u xanuunsanaya cudurkan waxay u baahanyihin Gargaar caafimaad oo xoogan in lagula tacaalo Viruska. illaa wakhtigan ma jirto daawo ama Talaal lagu daaweyn karo cudurkan.
_ Calaamadaha iyo Astaamaha cudurkan leeyahay:
Calaamadaha iyo astaamaha (EVD) sida caadiga ah waxaa ka mid ah:
• Qandho
• Madax xanuun
• murqo iyo kala goysyada oo bukaanka xanuuna
• Tabar la’aan (tabar dari)
• Shuban
• Matag
• Calool xanuun.
• Cunto xumo
_ Bukaanada qaar ka mid ah waxa laga heli karaa calaamadahan sida:
• Firiiric ( A Rash)
• Indhaha oo casaada bukaanka.
• Hingadaan ama Hingo.
• Qufac
• Cune xanuun
• Laab xanuun
• Neefsashada oo dhib ah
• Dhibaato wax liqidda ah
• Dhiig bax gudaha iyo dibadda ee jidhka.
Calaamadaha waxa Bukaanka lagu arkaa 2 ilaa 21 maalmood ka dib wakhtiga uu Ebola virus uu haleelay bukaanka.
Qaar ka mid ah bukaanadu waxay awood u helaan in ay ka caafimaadaan cudurka,xaga bukaane kale ay u dhintaan. Si kastaba ha ahaatee waxa la Rumaysanyahay in bukaanada u dhinta ayna awood u helin in difaaca jidhkoodo oo la dagaalamo vayruuska.
_ Qaabkee looga Hortagi karaa cudurkan?
1: ku dadaal inaad Gacmahaada dhaqdid (maydhid) marwalba, adigoo isticmaalaya saabuun iyo Biyo .
2: Ka fagow inaad xiriir la sameysid dadka qaba cudurka waxa uu ku gudbi karaa dhiiga,candhuuftaba, dhididka iyo kaadida.
3: Ha u safrin deegaanada cudurkan haleelay .
4: shaqaalaha caafimaadku wa in ay ku dadaalaan xidhashada qalabkooda.




By: Dr Abdillaahi Ahmed Yaasiin
_international university of africa faculty of medical science
Email:qaxdaani01@hotmail.com