Pages

Saturday, August 16, 2014

Marxaladda La Joogo Golaha Deegaanka Burco Isbedelku Waa u Dabiib!


Waxaan jeclaystay inaan Golaha deegaanka Burco  u soo jeediyo tallooyin muhiim ah oo wax ka bedalla dhaliilaha maamul xumo ee todaabyadii la soo dhaafay loo jeedinayay Hoggaanka Golaha degaanka magaaladaasi oo la canaananayay waxqabad la’aan iyo musuqmaasuq baaxad leh.




Waxaan Golaha Deegaanka ee Burco kula talinaya mar haddii la dhaliilay Maayar Muraad  oo dhaliiluhuna ay yihiin qaar wax ka jiraan 70% inay xalka ku dayaan isbedel maamul oo ay 21-kooda xubnood ka dhex raadiyaan  qof dhalinyaro ah oo maskax iyo dhiig cusub dhaliishii jirtay wax-qabad ugu abaal celiya dadweynihii reer Burco ee maalinta dhan u taagnaa codbixintii 21-ka Xildhibaan ee degmadooda.




Waxa habboon in Golaha deegaanka ee Burco raadiyo nin dhalinyaro ah oo  karti iyo dedaal isku darsaday isla markaana ah mid xidhiidh wanaagsan la leh jaaliyadda qurbaha  ee kaalinta wax ku oolka ka ah geysan lahayd dib u dhiska iyo maal-gashiga magaaladooda oo ah caasimadda labaad ee Somaliland.




Aniga oo aan la reer ahayn, isla markaana aan aqoon u lahayn, waxa Golaha deegaanka Burco u calaamadin lahaa xubin ka mid ah oo inta badan aan warbaahinta ka halacsado isagoo agab waxbarasho, caafimaad iyo qalab ciyaareed oo uu dibada ka keenay u qeybinaya xarumaha adeegyadda bulshadda magaaladda Burco. Xildhibaankaas waxa la yidhaahdaa  Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), waxaan qabaa inuu yahay mid aad uga roonaan lahaa maamulka Dawladda Hoose haya haya Hoggaanka Golaha deegaanka Burco.




Waxa  maayarnimadda Mubaarig Bidhi ay noqon lahayd mid wax badan ka bedasha bilicda magaaladda, horumarinta mashaariicda iyo kasbashada mooraalka iyo niyadda qurbo jooga oo ah cida maal-gashata magaalooyinkana is-dhaafisa.




Sidaas darteed, waxaan 21 ka Xildhibaan ee Magaaladda Burco metala  ku guubaanin lahaa inay  qoddobadaas aan soo sheegay xeeriyaan isla markaana  ay danahooda iyo baahiyahooda kala duwan ka horeysiiyaan xilka culus ee dhabarka loo saaray, ALLE kula xisaabtamayo, ummad-weynta reer Burco-na qalinka iyo warqada ay ku sajalanayaan horusocodka iyo dib u socodka labadaba kolba mida ay idinka arkaan.




Waxaan Xildhibaankaasna ugu baaqi lahaa haddii saaxiibadii ay xilkaas u doortaan inuu isna daacadnimo iyo waxqabad  la yimaado si dhalinyaradda uu tusaale ugu noqdo oo uu noqdo Maayar Burco wax ku soo dara oo aan uga sii darin.




 Ismaaciil Muuse Guuleed




Hargeysa/Somaliland