Pages

Saturday, August 16, 2014

Maamulka Dawladda iyo Qurbo-joogta Togdheer oo ka wada hadlay horumarinta Gobolka


[caption id="attachment_93101" align="alignleft" width="300"]Shir dhex maray qurbo-jooga iyo Dawladda burco Shir dhex maray qurbo-jooga iyo Dawladda burco[/caption]Burco (GNA) Dawladda hoose ee Magaalada Burco iyo Qurbo-joogta Gobolka Togdheer ayaa ka wada hadlay sidii laysakaashan lahaa horumarinta Degmada Burco iyo Gobolkaba.




Sida ay kaga dhawaaqeen kulan balaadhan oo ka qabsoomay Hudheelka Hotel City Plaza ee magaladda Burco, waxa laysla qaatay inay Jaaliyadda dibada ee deegaankan u dhalatay,  ka qayb qaataan horumarinta gobolka Togdheer.




Kulankan waxa oo Qayb-galay Badhasaabka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye,Maayirka Degmadda Burco Maxamed Muraad,Maayir ku Xigenka Burco Muxumed Xoday,Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi),Xildhiban Cabdi-Risaaq Aar,Qurba-Joog Tirro Badan,Saladiin,Cuqaal,Aqoon-Yahan iyo Waliba Waxgarad tirro badan oo Reer Togdheer ah.




Ugu  Horraynba Waxa kulankaas ka Hadlay Suldaan Maxamuud Guuleed Waxaanu Dowladda Hoose ku Aamanay Sidii ay isugu Keeni Lahayd Qurba-Jooga Reer Togdheer si ay Uga Qayb-Qataan Horumarka Gobalka Togdheer.waxaanu sheegay in arintani taghay mid loo baahnaa




Gudomiye ku Xigenkii Horre Jaamacadda Burco Proff Sheikh ismaaciil Caraale Oo isagu Xafladaasi ka hadlay ayaa isaguna Dhankiisa Ugu Baaqay inay Qurba-Joogu Xoojiyaan Shirarka Noocani Oo Kale ah isla Markaasna ay ka Qayb-Qaatan Horumarka Degmadda Burco.




Maayirka Degmadda Burco Ustaad Maxamed Muraad Oo isaguna Xafladaasi ka Hadlay ayaa Shegay in Qurba-Jooga Looga Baahan Yahay Sidii ay Gacan Uga Gaysan lahayeen Horumarka Degmadda.




Waxaana Ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan " Wey fiicnayd inaynu in Badan Jaanis isku helno Waxa laga yabaa inaynu aad iskugu radinayney ilahay ayaa mahad leh Maanta Halkan iskugu Keen Keenay si aynu Uga Wada Hadalno Danta Gobolkeena Togdheer Ama Dagmadeena Burco, Waxaan Sidoo Kale u Mahad Naqayaa Xildhiban Mubaarig Bidhi Oo isagu Keenay Fikradan inay Kulmaan Qurba-Jooga Reer Togdheer iyo Masuuliyinta Dowladda Hoose si Looga Wada Hadlo Sidi Looga Qayb-Qaadan Lahaa Horumarka Degmadda,Anigoo ku Hadlaya Magaca Dowladda Hoose Burco Waxaanu Balanqadaynaa in Aanu Qurba-Jooga Reer Togdheer usoo Bandhigno Fursado Ganacsi si ay u Maalgashadaan Gobalkani,Waxaanu Sidoo Kale Balanqadaynaa in Aanu Bixi Dhulkii ay Qurba-Joogu ka Dhigi Lahayeen Horumar Kasta Oo ay la Doonayaan Degmada" Ayuu Yidhi Maayirka Degmadda Burco




Maayir ku Xigenka Degmadda Burco Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) Xildhiban Cali Marexaan,Isu-Duwaha Wasaradda Ganacsiga Togdheer iyo Qurba-Joog Tiro Badan Oo iyaguna Xafladaasi Baladhan ka Hadlay ayaa Soo Dhaweeyay Shirwaynahani Kowaad Ee Dhex-Maray Qurba-Jooga iyo Masuuliyinta Dowladda Hoose Burco Waxaanay Qurba-Joogu Shegeen inay Xoojin-Donaan Kulamada Noocani Oo Kale ah isla Markaasna ay Door Muhiim ah ka Qaadan Donaan Horumarka Degmadda Burco Guud ahaanba Gobalka Togdheer.




 




 




 




Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) Oo isagu ah Xildhibanka Soo Diyaariyay Qorshahani ay Masuuliyinta Dowladda Hoose Burco usoo Bandhigayaan Qurba-Jooga Gobalka Togdheer inay Qayb ka Qaatan Dhismaha iyo Horumarka Degmadda Burco ayaa  Halkaasi ka Akhriyay Afar Qodob Oo ay isla Meel Dhigeen Qurba-Jooga Gobalka Togdheer iyo Waliba Masuuliyinta Dowladda Hoose Burco.




Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan " Shirkan Waxa Maalgaliyay Golaha Degaanka Burco Waxaanu ku Marti-Qaaday Qurba-Jooga Reer Togdheer,Waxaan Qurba-Jooga Reer Burco Uga Mahad Naqayaa Sida ay Nooga Aqbaleen inay Yimadaan Shirwaynaha Kowaad Ee Yeesheen Qurba-Jooga Reer Togdheer,Ujeedada Kulankani Waxa Weyaan in Aanu Soo Dhawayno Oo Aanu Dhagaysano Fikirka Qurba-Jooga,Waxaanu Jecel-Nahay in Aanu Qurba-Jooga usoo Bandhigno Fursadaha Ganacsi Ee ka Maqan Gobalka Togdheer,Waxaanu Gaba-Gabadii Kulankani Baladhan Aanu ka Soo Saarnay Afar Qodob Oo Kala ah 1: Waxaanu isla Qaadanay inay Muhiim Tahay in Sanad kastaba Hal Mar la Qabto Shirwaynaha Qurba-Jooga Reer Togdheer Waxaana la Qaban Donaa 27 July Sanadka 2015  2: Dowladda Hoose Burco Waxay isla Qaadatay in la soo Dhaweeyo Qurba-Jooga Reer Somaliland Oo Dhanba Cidii Danaynaysa inay Mashariic Horumarineed ka Fuliso Gobalka Togdheer isla Markaasna Aanu Siin-Doono Dhul una Samayn-Doono Cashuur Dhaaf 3: Waxa la isla Afgartay Qurba-Jooga iyo Dowladda Hosaba inay Muhiin Tahay in Furro Madarka Burco si ay Uga Soo Degaan Qurba-Joogu isla Markaasna ay Furaan Madaxwaynuhu iyo Wasiirka Duulista iyo Hawadu 4: Waxaanu Ugu Baaqaynaa Qurba-Jooga iyo Bulshadda Reer Somaliland-ba in Laga Qayb-Qaato Dhismaha Wadada Cerigabo" Ayuu Yidhi Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi)




Si Kastaba ha ahatee Shirwaynahani Kowaad Ee Dhexmaray Qurba-Jooga Gobalka Togdheer iyo Masuuliyinta Dowladda Hoose Burco ayaa isagu Qayb ka Noqon-Doona Sidii ay Qurba-Joogu Uga Qayb-Qaadan Donaan Horumarka Degmadda Burco.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: axmedmm9@hotmail.com