Pages

Tuesday, August 12, 2014

Lawyo-caddo: Somaliland oo go’aan ka gaadhaysa Dhibaatooyin ka taagan xadka Djibouti


lowyacado(1).jpgLawyo-caddo(GNA)-Saraakiil ka tirsan Laanta Socdaalka Somaliland oo uu hogaaminayo Taliye ku-xigeenka  Laantu, ayaa shalay gaadhay magaalada Lawyo-caddo ee ku taalla xadka Somaliland iyo Djibouti.




Saraakiishan ayaa u kuur-gelayay xaalada isu gudubka xadka ee Somaliland iyo Dalka jibouti oo dhibaato badani wali ka taagantahay.




Inkasta oo xadku wali xidhanyahay oo aan loo ogolayn inay ka gudbaan dad haysta sharciga Somaliland iyo xataa ka soomaaliya, hadana saraakiisha Somaliland waxay mar kale amar ku bixiyeen in la xoojiyo hubinta dadka ka imanaya xagga Djibouti iyo kuwa ka tegaya Somaliland.




Mid ka mid ah dadka deegaanka oo Gobanimonews la hadlay ayaa sheegay “waxaan sharciga Djibouti ahayni meeshan kama shaqaynayo”ayuu yidhi.




Waxa uu sheegay Ninkan oo dadka deegaanka u hadlay“Taliye ku-xigeenka Laanta Socdaalku wuxuu amar bixiyay in ammaanka xadka la xoojiyo, dadka bilaa shacrciga ku soo gelaya dalkana la joojiyo”.




Inkasta oo goor sii horaysay la sheegay in Somaliland-na dhankeeda xidhay xadka, hadana wali arrintaasi si rasmiya ugamay dhaqan gelin lawyo-caddo, waxaana magaaladaas maanta ku sugan Badhasaabka Gobolka Selel iyo Saraakiisha ammaanka ee Gobolkaas.




“wali ma jirto arrintaasi oo isu socodku wuu jiraa labada dal, laakiinse dhib badanbaa ka jirta oo waxaaba dhaanta xidhista sida wax yihiin hada”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Dayib oo ku sugan Lawyo-caddo.




Masuul ka tirsan laamaha ammaanka ee xadka ayaa sidoo kale Gobanimonews u sheegay “Badhasaabkii gobolka iyo masuuliyiin kaleba way joogaan, laakiinse wax isbedel ahi wali ma jiro”ayuu yidhi.




"shirarbaa socda, markaa waxaan rajeynayaa in go'aan laga soo saari doono arrintan xilliyada soo socda"ayuu hadalkiisa raaciyay.




Wariye ku sugan meel wax yar u jirta Xadka ayaa sheegay in dhibaatooyinka sii socda ee xadka labada dal u muuqdo mid saameyn ku yeelanaya Mustaqbalka Ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal.




Somaliland iyo Djibouti ayaa waxa ka dhexeeya xidhiidh sokeeye iyo mid siyaasaddeed oo heer Gobol ah, waxaase bilihii u dambeeyay isa soo taraya xiisad aan wali soo shaac bixin oo labada Maamul u dhexaysa, taasoo waxyaabaha keenay ay ka mid yihiin xadhiga Sarkaal reer Djibouti ah oo Hargeysa ku xidhan iyo dad reer Somaliland ah oo iyagana dalkaasi loo gacan geliyay bishii hore.




Kala haysashada maxaabiistaasi ayaa maalmahan dambe abuurtay xurguf hoose oo u dhaxaysa labada maamul, iyadoo wali xadku sidii u xidhanyahay.




Gobanimonews




Saylac Office




Email: editor@gobanimonews.com