Anigoo ku hadlaya afka shacabka reer Duruqsi waxaan doonayaa inaan war bixin kooban ka siiyo qurba jooga reer duruqsi ee ku sugan daafaha caalamka gaar ahaan xubnihii isu xilqaamay horumarinta degmada ee ku dhaqan UK.
Gudida qurba jooga degmadu waxay ururiyeen lacag loogu talagalay in degmada gudaheeda loogu sameeyo dugsi sare (Secondary School) iyo Malcaamad Quraan lacagtaasi oo xadigeedu dhamaa $ 14000 waxay ku jirtay Account Dahabshiil ah.
18/08/2014 ayaa saddex nin oo midi yahay maamulaha dugsiga hoose dhexe, midina yahay Gudoomiyaha waxbarashada ee degmada (DEO) iyo xubin saddexaad oo isku sheegay gudida qurba jooga ay kasaareen dhamaan lacagtii ku jirtay Account-kaa. lacagta xaddiga intaa leeg leh oo wax badan u qaban lahayd dugsiga iyo degmada waxay ku tilmaameen xubnahaasi in ay ku baxday taar lagu wareejinayo dugsiga iyo qoryihii loo taagi lahaa.Iyadoo dugsi caruur yaryari dhiganayso aanay ku haboonayn in lagu dayro taar qabsanaya bacaha iyo khashinka, nadaafad darrana sababaya, isla markaana aan lahayn gabbaad.
haddaba marka caqliga badqabaa qiyaasayo ama uu odoroso xirfadle yaqaan inta duub (50 meter qiimihiisuna yahay 35 $) ee gali karta dugsiga cabirkiisu dhanyahay 25m x30m suuragal maaha, ma jirto wax kale oo ay sheegeen in lagu bixiyay lacagtaas waxaase reer duruqsi u cadaatay in lacagtaasi ku baxday sife khaldan kuna dhacday jeebabka xubnaha aan kor ku soo sheegnay, shacbiga reer duruqsi way soo dhawaynayaan in dugsiga loo sameeyo dayr (fence) ku haboon oo bino ah iyada uu jiro la xisaabtan cad.
waxaan u soo jeedinaynaa qurba jooga iyo dal jooga lacagtooda ku bixiyay horumarinta degmada in ay daba gal ku sameeyaan halka ay kubaxday iyo sida loo fuliyay mashruuca samaynta dayrka dugsiga.
Alla mahadleh
Ahmed Saleebaan Ali
Mukhtar66@outlook.com
Duruqsi,Togdheer,Somaliland.