[caption id="attachment_92590" align="alignleft" width="237"]
Axmed Cabdi Xaabsade waa siyasi caan ah[/caption]
Hargeysa(GNA)-La Taliyihii Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha doorashooyinka Axmed Cabdi Xaabsadde, ayaa la sheegay inuu galabta galay xarunta maamul-goboleedka Puntland ee Garoowe, halkaasoo uu mar kale kala soo muuqaan doono aragtidiisa siyaasaddeed.
Waa qofkii labaad ee aaminsanaa Siyaasadda Somaliland oo muddo bil gudaheed ah Garoowe ka soo muuqda, waxaana ka horeeyay garaad Saleban Garaad Maxamed oo ah Hogaan dhaqameedka Deegaanka Xudun.
Xaabsade ayaa sanadii 2007 ka soo wareegay Puntland, una soo digo-rogtay Hargeysa, halkan oo sida la aaminsanyahay ka hufnaan iyo hogaamin wanaagsanayd nidaamkii Garoowe ka jiray.
Maalinkii shalay waxa la wariyay inuu joogay Magaalada Jig-jiga, isla markaana maanta u dhoofay Garoowe.
Axmed Xaabsade ayaa sannadkii 1997 ka tagay Somaliland ka dib markii uu waayay jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo uu hayay sanadihii 1993-kii illaa 1996-kii.
Sidoo kale afartii sanno ee ugu dambeeyay waxa uu hayay xilal kala duwan, sida wasiirka Warfaafinta, wasiirka Hawlaha guud iyo ugu dambeyntii oo uu hada ahaa La-taliyaha Madaxweyneha.
Waxa la sheegay in xilwasiirnimo looga balanqaaday Garoowe, waxaana sidaas wariyay mid ka mid ah Mareegaha Somaliland laga leeyahay ee dhinaca xukuumadda u janjeedha oo Gudgudenews la yidhaahdo.