[caption id="attachment_92893" align="alignleft" width="300"]
Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Q.M[/caption] Muqdisho. 12 Agoosto 2014-(GNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Md. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabbilay Ku-Xigeenka Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay Peter Drennan.
Madaxweyanaha iyo ku-xigeenka Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay waxay ka wada hadlay wada shaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, xaaladda ammaan ee dalka iyo taageerada Qaramada Midoobay ay u fidiso Soomaaliya.
Mudane Peter Drennan ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya horumarka ay ku tallaabsatay labaddii sano ee la soo dhaafay isaga oo cadeeyey in Qaramadda Midoobay ay diyaar u tahay xoojinta caawinaadda Dowladda oomaaliya gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa ammaanka dalka.[caption id="attachment_92894" align="alignleft" width="300"]
M.weyne Xasan iyo Madaxda Q.M[/caption]
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuu ka warbixiyay cunta yarida soo food saartay qeybo ka mid ah Soomaaliya sababo ammaandarro iyo roobabka oo yaraa darted.
Xasan Sheikh ayaa ka codsaday in caalamku uu dhug u lahaado xaaladda ka jirta Soomaaliya xilligan.
Booqashada ku-xigeenka Qaramada midoobay ku yimi Soomaaliya ayaa ku soo aadaysa xilli ay saameyn badan keeneen abaaraha ka jira gobollada soomaaliya qaarkood.
Taasoo ah dhibaatada ugu daran ee haatan dalka jirta iyo xaalada nafaqo daro,
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com