[caption id="attachment_92676" align="alignleft" width="300"]
Attackers skip[/caption]Mandheera(GNA)-Dabley hubaysan ayaa waxay soo weerareen saldhiga dhexe ee magalada mandera gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya Maalintii shalay.
dableydan ayaa waxay iska caabin kala kulmeen ciidamadii booliska ahaa ee saldhiga kusugna waxana halkas ku dhexmarey dagaal fool ka fool ah.
Kooxda Weerarka soo qaadey oo tiradoda lagu sheegay10 nin ayaa waxay dib uga gurten aaga saldhiga fino iyagona dib uga gudbey xududka somaliya iyo kenya u dhaxeya.
Sarkaal u hadley ciidamada booliska kenya ayaa sheegay in weerarka labo askari ku dhawacmen, waxaanu meesha kasaarey in khasare kale ka dhashay.
dableydan ayaa waxa la shegay inay katirsan yahiin ururka alshabaab.
Afhayeenka Hawl-galada Alshabaab Abu-muscab oo shalay Warbaahinta Ururkaasi la hadlay ayaa sheegay inay khasaare laxaadle gaarsiiyeen saldhigyo bilayska Kenya ku leeyihiin Deegaamo xadka ku yaalla.
Abumuscab oo faahfaahin ka bixinayay guullo ay ka sheegteen ugu yaraan saddex weerar oo ay shalay iyo habeen hore fuliyeen ayaa intaasi raaciyay inay gaadiid ka gubeen Ciidanka Kenya iyo kuwa AMISOM.
Cabdiraxmaan buurdhaab
Gobanimonews
Nairobi Office
Email: buurdhaab4@gmail.com