Pages

Monday, August 11, 2014

Israel iyo Falastiin oo aqbalay xabbad joojin dheeraad ah


[caption id="attachment_92746" align="alignleft" width="300"]HAWEENKA REER FALASTIIN HAWEENKA REER FALASTIIN[/caption]GAZA(GNA)-Falastiin iyo Israael ayaa aqbalay Xabbad joojin kale oo soconaysa 72 saacadood, kaddib markii ay Jimcihii dhamaatay heshiiskii hore.




Wada xaajoodeyaal labada dhinac ka kala socda oo ku sugan Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa aqbalay saqdii dhexe ee Isniinta caawa wakhti dheeraada oo xabbada la joojiyo si wada hadaladu u sii socdaan.




Go’aanka dambe ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda marinka gaza Jimcihii dib u bilaabantay.




Ku dhawaad laba kun oo qof oo Falastiiniyiin ah iyo dhowr iyo lixdan Yuhuud ah  ayaa ku dhintay Dagaaladii shanta todobaad ka socday GAZA iyo daanta Galbeed.




Dalal badan oo caalamka islaamka ka mid ah ayaa masuuliyiinta Falastiin ku taageeray inay Israel xasuuq ka geysatay GAZA.




Laakiinse Qaramada midoobay iyo dalalka reer Galbeedka ayaan iyagu taas aaminsanayn.