Saturday, August 16, 2014

Iska hor-imaad Khasaare sababay oo ka dhacay Deegaanka Diiriye Guuleed “Togdheer”


Burco(GNA) Sida ay xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahi ,Dagaal ayaa Saaka ka qarxay Tuuladda Baliga Diiriye Guuleed ee Waqooyiga Burco, halkaasoo khilaaf deegaan muddo ka taagnaa, balse xukuumaddu go’aamo ka soo saartay.




Iska hor-imaadkan ayaa la sheegay inuu dhex maray Ciidamo Xukuumadu gaysay ,halkaasi oo doonaayay in ay aasaan Baraago ku yaala Tuulada Diiriye Guuleed iyo Maleeshiyo beeleed ka soo jeeda Beesha Cabdale Arab oo Tuuladaasi dhismaheeda iska leh ,isla markaana diiday in Baraagahooda la aaso, dhismayaashoodana la dumiyo.




Dagaalkan ayaa sida warar xogogaala noo Sheegay waxa ku dhaawacmay ugu yaraan Afar Qof oo ka soo kala jeeda Ciidamaddan oo Milatary iyo boolis iskugu jira iyo Maleeshiyadan ,kuwaasi oo qaar ka mid ah dhaawacooda Cusbitaalka Burco loo soo qaaday.




 Dagaalka ayaa markii dambe iskii u qaboobay, iyadoo xaaladda deegaanku lagu soo waramay inay haatan degentahay. Waxgaradka Deegaankan ayaa laba maalmood ka hor si adag uga soo horjeestay go’aamo dawladdu ka soo saartay muranka halkaa ka taagan, kaasoo ay ku tilmaameen mid cadaalada ka fog.




Dadka deegaanka ayaa ku dooddaya in qaraarka Xukuumaddu soo saartay xiisaddan cirka ku sii shareertay.




 Gobanimonews




Burco Office




 Email: editor@gobanimonews.com