Pages

Wednesday, August 13, 2014

Ingiriiska oo ku biiray weerar lagu badbaadinayo Kurdiyiinta Woqooyiga ciraaq


[caption id="attachment_92936" align="alignleft" width="300"]Xoghayaha Difaaca ee US Xoghayaha Difaaca ee US[/caption]Xog-hayaha difaaca ee dalka Mareykana Chuck Hagel, ayaa sheegaya in 130 ciidan oo Mareykan ah ay gaareen waqooyiga Ciraaq, si ay gacan uga geystaan xakameynta qatarta ka imaaneysa kooxaha Islaamiga ee mintidiinta ah, iyo in ay qiimeyn ku sameeyaan xaalada ka taagan gobalkaasi.




Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ciidmadaasi ay ka bixin doonaan talooyin sida ugu haboon ee lagu caawin karo dadka lagu qiyaasay soddonka kun ee ku barakacay gobalkaasi kuna xayiran buurta Sinjar oo ay ku hareereysan yihiin kooxda daacish.




Ciidamadan ugu danbeeyey ee la geeyey dalka Ciraaq waxeey isugu jiraan ciidmada badda iyo ciidamo si gaar ah u taba baran, balse saraakiisha Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in halkaa ay u tagayaan oo keliya in ay bixiyaan talooyin soona ururiyaan xog gacan ka geysan karta sidii loo fulin lahaa howlaha gargaarka ee ka socda Waqooyiga Ciraaq.




Dhinaca kale, Dawladda Ingiriiska ayaa ka qayb qaadanaysa gurmadka lagu badbadinayo Kurdiyiinta go’doonsan, waxaana Reysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron aqbalay codsiga uga yimi Maamulka Kurdiyiinta oo ku saabsan sidii ay diyaarado  dagaal ugu diri lahaayeen Gobolkaasi.[caption id="attachment_92937" align="alignleft" width="300"]Diyaaradaha cirka uk Diyaaradaha cirka uk[/caption]




Isbuucii la soo dhaafay maamulka Mareykanka ayaa waxa uu bilaabay howlgalo Milatari oo la doonayey in lagu difaaco ciidmada Mareykanka ah ee jooga Gobalkaasi, iyo in sidoo kale gargaar lagu gaarsiiyo dadka laga tirada badan yahay kuwaasi oo ay qatar ku hayaan kooxaha suniyiinta ah ee Daacish.




Madaxweynaha Mareykanka ee Barak Obama ayaa marar badan ku celceliyey in ciidamada Mareykanka aanay howlgal Milatari ka fulineynin dalka Ciraaq iyo sidoo kale in aanu jirin xal Milatariga Mareykanka uu ku soo afjari karo rabshadaha ka socdo Ciraaq.




Kooxda ISIS ayaa ku sii fidaya magaalooyinka muhiimka ah ee Dalka Ciraaq.




Maamulka Kurdiyiinta ee Ciraaq ayaa doonaya inay ka go’aan dalkaasi intiisa kale, iyagoo fursad ka doonaya madaxweynaha awooda yar ee ka soo jeeda.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com