Tuesday, August 19, 2014

Hogaamiye Budhcad-baddeed oo lagu qabtay muqdisho


Muqdisho(GNA)-Ciidamada Dawllada Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah Hogaamiyeyaasha waaweyn ee Budh-cad-badeeda Soomaaliya ka qafaasha Maraakiibta, kaddib markii ay hawl-gal ka fuliyeen degmada War-dhiigley ee Gobolka Banaadir.




Maxamed Axmed Gabaaje oo la sheegay inuu xubin muhiim ah ka yahay Shurakada Budhcad baddeeda ayaa la qabtay Maanta, isagoo ku sugan guri ku yaalla mid ka mid ah xaafada degmadaasi.




Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dawladda Soomaaliya oo la xidhiidha qabashada Ninkan, balse ilo-wareedyo Warbaahintu heshay ayaa tibaaxaya in dad kale oo goob kula sugnaa Ninkan la qabqabtay iyagana.




Qabashada hogaamiyaha Budhcad baddeeda ayaa ku soo beegantay xilli ay Magaalada Muqdisho todobaadkanba ka socdeen howl-galo lagu bartilmaameedsanayo hubka sharci darada ah ee Magaalada yaalla.




Hawl-galkaasi ayaa lagu qabtay hub faro badan iyo dad dambiileyaal ah.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com