Muran Dhul oo caawa sababay Dirir laba dhinac u dhaxaysa Xaafadda Jig-jiga yar iyo Bilayska oo ku guntaday
Hargeysa(GNA)-Waxa Xaafadda jig-jiga yar ee Magaalada Hargeysa Israsaaseyni ku dhex martay laba kooxood hubaysan oo shacab ah, kuwaasoo abaaro tobankii iyo badhkii caweysnimo ee Xalay iska hor-imaad ku dhex maray Dhul laysku haystay oo ku yaalla agagaarka Sariibada xaafadaas.
Dhulkan ayaa Dacwad ka taagnayd Maxkamaduhu go’aan ka soo saareen, una xukumeen dhinac.
Rag hubaysan oo ka soo jeedda dhinaca laga xukumay Dhulkaasi, ayaa soo weeraray Goobta Dhulku ku yaallo oo dhisme ka socdo, sida ay gobanimonews u xaqiijiyeen dad goob-joogeyaal ah.
Israsaaseynta ayaa socotay muddo toban daqiiqo ah,iyadoo laga maqlayay xabadda meelo aad uga fog goobta falku ka dhacay.
Ma jirto wax khasaare ah oo kala gaadhay labada dhinac ee iska hor-imaadku dhex maray, sida ay Gobanimonews u sheegeen goob-joogeyaal kale iyo Saraakiisha amnigu.
Ciidamada Bilayska ee RRU-da loo yaqaano iyo kuwa Saldhiga Xaafada, ayaa markiiba goobta gaadhay, kuwaasoo kala dhex galay labada dhinac.
“Xabadda way isdul marinayeen, cidna kumay dhicin”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay sarkaal ka tirsan Bilayska oo hawl-galka ka qayb qaatay.
Ciidanka amniga ayaa gacanta ku dhigay lix ka mid ah Raga hubaysan ee dirirtu dhex martay, kuwaasoo saddex iyo saddex laga qabtay labada dhinacba.
Faahfaahin dheeraada lagama hayo dhacdadan, taasoo oo ku saabsan tirada raga israsaaseyntu dhex martay si loo xaqiiqsado inta baxsatay, hase ahaatee saraakiisha amniga ayaa sheegaya inay ku guulaysteen dejinta xiisadaas, xilli aanay dhibaato dhicin, gacantana ku hayaan kuwii ka qayb qaatay.
Maaha markii ugu horaysay ee muranka dhulku sababo iska hor-imaad noocan ah, balse waa mid soo noqnoqota oo joogto ah, taasoo inta badan wax laga saaro Hay’addaha Garsoorka iyo dawladdaha hoose oo dadka madaxa isu geliya.