[caption id="attachment_93433" align="alignleft" width="300"]
Diyaarada saaran dusheena[/caption]
Hargaysa (GNA): Muwaadin magaciisa la yidhaahdo C/laahi Cabdi Yuusuf (Nabadoon), kuna nool magaaladda Hargeysa, ayaa isku xil qaamay in uu dhir ka beero bogcadda kala badha jidka wadnaha ee mara badhtamaha caasimadda, gaar ahaana wadadda ka timaada dhinaca madaxtooyada ilaa dawladda hoose.
Muwaadinkani waxa uu sheegay in uu todobaad ka hor dhir gaadhaysa ilaa toban geed uu ka beeray ilinka kala badha jidkaasi gaar ahaana meesha shebega lagu xidhay oo loogu tallo galay in dhir laga beero, si kor loogu qaado bilcida caasimadda.
Waxaanu sheegay muwaadinkani in tobankii geed ee u horeeyay uu halkaasi ka beero, isla markaana uu isagu subaxdii marka uu sii shaqo tegayo iyo galabtii marka uu soo rawaxo in uu waraabiyo geedahaasi uu beeray.
Hase yeeshee, Nabad-doon C/laahi waxa uu walaac ka muujiyay dhibaato kala soo gudboonaatay hawshii tabaruca ahayd ee uu waday, taasi oo caqabad curyaamisay ku noqotay shaqadii uu waday, dhacdadaasi oo ah in halkii uu dhirta ka beeray in xashiish iyo dhagaxaan lagu shubay iyo sidoo kale in dad waalan iyo kuwo darbi jiif ahi ay ku dul seexdaan, isaga oo tilmaamay in uu doonayo in uu sii wado hawshaasi dhir beerista, isla markaana uu ilaa boqol geed oo uu hayo ku beero meeshaasi.
Nabad-doon C/laahi, oo maanta u waramay shebekadda wararka ee SDWO ayaa ugu baaqay maayarka caasimadda, dawladda hoose iyo dadweynaha ku dhaqan caasimadda in wax lagala qabto caqabadaasi ka hor timid hawshii tabarucaadka ahayd ee uu waday, si uu u sii wado shaqadan kor u qaadidda bilicda caasimadda ee uu iskii isugu xilqaamay.
C/laahi Cabdi Yuusuf, oo ugu horayn ka hadlaya sida uu hawshaasi ku bilaabay waxa uu yidhi “Waxaan isku xil qaamay in aan dhir ka beero halka magaalada caasimadda badhtankeeda jidka mara ee halbawlaha gaar ahaana inta u dhaxaysa sekadda nationlinka ama Cadaani iyo fooqa Indha Deero ee Hadiya, halkaasi shebega ay dawladda hoose ku xidhay waxaa loogu tallo galay in dhir laga beero, oo xataa gododkii geedaha lagu beerayay ayaa laga qoday, meeshaasi dhir ayaan ka beeray, dhirtasina aniga ayaa iskay isku diray ee cidna iima ay dirin”.
Isaga oo ka hadlayay dhibaatadda ku dhacday dhirtii uu beeray, waxa uu yidhi “Ka dib markii aan dhirtii aan ka beeray halkii caqabado ayaan la kulmay, caqabadahaasina waxay yihiin xashiish meeshii lagu shubayo, iyo dhagaxaan iyo in dibjiriin iyo dad waala-waalani ay ku seexanayaan, ka dibna sidaasi ay dhirtii aan beeray ay ku dhinteen, saaka waxaan ugu tegay nin waalan oo geedkii aan beeray inta uu gogol iyo kartoomo dusha ka saaray ku dul hurda, waxyaabo noocaasi ah ayaan la kulmay. Waxaan doonayaa una sheegayaa dadweynaha iyo maayarka caasimadda in caqabadahaasi wax la igala qabto, waayo waxaan doonayaa in aan dhamaanba dhir ku wada beero, waxanan doonayaa si ay taasi iigu suurtogasho in dhibaatadaasi ay dawlada hoose ee Hargeysa iyo dadweynuhu ay igala qaybqaataan, maxaa yeelay marka aan subaxdii sii shaqo tegayo iyo marka aan galabtii soo rawaxo labadaba waan waraabiyaa dhirtaasi. Waxaan hayaa dhir fara badan ilaa 100 geed ayaan hayaa, laakiin inta aan beeray waa ilaa 10-toban geed, muddo todobaad ah ayay ku yaaleen halkaasi, si wanaagsan wuu u socdaa bixitaankoodu”.
Nabadoon C/laahi, oo aanu waydiinay waxa ku dhaliyay in uu meeshaasi dhirta ka beero, waxa uu yidhi “Waxaa igu dhaliyay, waxa aan eegay meeshaasi, oo ah indhihii caasimadda, meeshaasina maayarku waxa uu u sameeyay in dhir laga beero, maayarkuna runtii si fiican ayuu u shaqeeyay, meesha marmar ayuu dhigay, cooshadihii ayuu ka qaaday in aan meeshaasi wax qashin ah loo ogolayn ayuu maayarkuba sheegay. Markaa waxa weeye intii dadweynaha ayaa meesha ka maqan, oo u baahan in meeshaasi la ilaaliyo, oo dhirtiina la ilaaliyo weeye, markaa intii dadweynaha ayaa meesha ka maqan oo waa la daayacay”.
Waxa kale oo uu sheegay muwaadinkani in uu dhawr jeer isku deyay in uu la kulmo maayarka caasimadda hase yeeshee aanay taasi u suurto gelin. “Aad iyo aad ayaan u jeclaa in aan maayarka arko, waanan doonayaa in aan la kulmo, markii aan damcay in aan arko, meel aan u maro ayaan waayay, askarta oo i celisay iyo dadweyne kale oo aad ugu xoonsan xafiiska maayarka, intaasi ayaa ii saamixi wayday in aan is-aragno maayarka” ayuu yidhi c/laahi nabad-doon.
C/laahi Cabdi Yuusuf (Nabadoon) ayaa fariin u diray maayarka caasimadda iyo dadweynaha ku d haqan “waxaan leeyahay caqabadaasi iga hor timid ee ah in aan sii wado hawshayday, ha la iga qaado dhagaxaanta, xashiishka iyo dadka dibjiriinta ah, gaar ahaan maayarka waxaan leeyahay ha la iga qaado waxan i hortaagan”.
By: Khadar Cabdi Muuse