Tuesday, August 5, 2014

Habar-yoonis: Ma jiro Shir Habar-magaaddo oo aanu abaabulaynaa”dhegeyso


  [caption id="attachment_92402" align="alignleft" width="300"]magaado2 Hogaan dhaqameedka Habar-yoonis[/caption]Hoos ka dhegeyso Codka Salaadiinta hadlay..+sawiro




Hargeysa(GNA)-Qaar ka mida Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Beesha Bariga Hargeysa ayaa sheegay inaanay wax luga ku lahayn hogaanka dhaqanka ee beeshoodu dhaqdhaqaaqa maalmihii u danbeeyey la hadal hayey ee abaabulka shir ay Beelaha Habar Magaado iskugu imanayaan isla markaasna kaga wada hadlayaan danahooda Siyaasadeed ee Mustaqbalka.




Shir jaraa’id oo ay ku yeesheen Magaalada Hargeysa Salaadiin iyo Madax-dhaqameedyo ka soo kala jeeda Hargeysa iyo Sanaag ayaa lagu sheegay inaan Shirkaasi ahayn mid dhinaca dhaqanka ka soo fulay.[caption id="attachment_92402" align="alignleft" width="300"]magaado1 Hogaan dhaqameedka Habar-yoonis[/caption]




Hogaan-dhaqameedkaasi waxa ka mid ahaa Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey afhayeenka Dhaqanka Somaliland, Suldaan Nuur Faarax Xuseen Boqor Maxamed Nuux Aadan,  Suldaan C/raxmaan Cawaale Hurre Suldaan Maxamuud C/laahi Xaaji Aadan, Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi(M.Careej,Suldaan Cali Yuusuf (bada cas) Ugaas Xuseen Geele Abokor,Boqor Faysal Cismaan Faarax Sul.Maxamed Sul.Xasan Barre.




Afhayeenka Guud ee Hogaanka Dhaqanka Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiirey oo ku hadlaayey afka Salaadiinta Beesha ayaa waxa uu golaha ka cadeeyey inaanay jirin shir iyo abaabul ay og yihiin oo Habar Magaadle isagu imanaayo isagoo isla markaasna xusay inaan la majare-habaabin bulshada oo aan loo sheegin wax aan jirin.[caption id="attachment_92402" align="alignleft" width="300"]Hogaan dhaqameedka Habar-yoonis Hogaan dhaqameedka Habar-yoonis[/caption]




Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiirey ayaa waxa uu sidoo kale Carabka ku adkeeyey inaanay haboonayn in hab qabiilaysan oo cunsuriyadi ku jirto laysku abaabulin balse ay haboon tahay in Bulshdu Xisbiyo Qaran ayeynu leenahay waa in markaa hanaanka Dimuqraaadiyada lagu dhaqmaa isla markaana laga waantoobaa waxyaabaha qabyaalada iyo Cunsuriyada keenaaya ee Amniga iyo karaamada qaranka waxyeelaaya.




Halkan ka dhegeyso Shirka Jaraa’id:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Warka-Salaadiinta.mp3"][/audio]