
Hargeysa(GNA)Waxay soo saareen warsaxaafaddeed caawa, Guddida dhexdhexaadinta Khilaafka ka dhashay magacaabista Guddida qabanqaabada shirweynaha ururka, kaasoo ay warbaahinta kale kaga dalbadeen inaanay ku milmin khilaafka ururka ee xalintiisa lagu jiro.
Warka ka soo baxay Guddida ayaan wax talaabo ah oo labada dhinac loogu kala saarayo ama lagu taabanayo xudunta Khilaafka lagu shaacin, waxaase loogu mahad celiyay aqbaalada garabyadu aqbaleen dhexdhexaadinta.
Warsaxaafaddeedka ay soo saareen ayaa u dhignaa sidan:
UJEEDDO: Go’aamo Hordhac ah
Guddi ka kooban odayaasha saxaafadda Somaliland oo ergo dhexdhexaadin ah ka galay khilaafka soo kala dhexgalay hoggaanka ururka suxufiyiinta ee SOLJA, waxay soo saartay;
1-Waxaannu ka mahadcelinaynaa in labada dhinac ee isku khilaafay hawsha qabanqaabada shirweynaha shanaad ee ururka SOLJA ay si masuuliyad iyo tixgelini ku jirto u aqbaleen ergada odayaasha saxaafadda Somaliland, kalsooni buuxdana siiyeen.
2-Ergadu waxay labada dhinac ka dhegaysatay waxyaabihii ay kala tabanayeen kadib kulamo gaar gaar ah oo ay la yeesheen, kuna ballanqaadeen in sharciga loo noqdo, ergadu waxay soo saartana ay aqbali doonaan.
3-Guddiga ergadu waxay sida ugu dhakhsaha badan u soo saari doontaa go’aamada. Dhammaan warbaahinta kala duwana waxay ugu baaqaayaan in aanay ka qaybqaadan wax kasta oo hurin kara khilaafka ururka si loo ilaaliyo jiritaanka iyo sumcaddiisa.
Magacyada Guddiga:
Xuseen Cali Nuur
Axmed Ducaale Bullaale
Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab)
Maxamed Aw Aadan
Maxamed Cabdi Ilig.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Cabdi Ilig
Afhayeenka Guddiga Dhexdhexaadinta.