Sunday, August 17, 2014

Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha Solja oo Guddoon doortay


Hargeysa(GNA) Guddida qaban qaabada Shirweynaha shanaad ee Ururka Suxufiyiinta Solja ayaa manta doortay hogaanka hagi doona Hawlaha guddida qaban qaabadda.




Guddida qaban qaabada Solja waxay gudoomiye u doorteen Maxamed Maxamud (Ilkacase), Ku-xigeen Najax Aadan Cunaaye,Xoghayana Yaxye Sh Ismaaciil.




Guddidan oo maanta ay u ahayd maalintoodii koowaad waxa laga rajaynayaa inay shirweynaha Solja muddeyaan isla markaana soo xulaan Ergooyinka Shirweynaha.